Bayern Munich Oo Sharaxday Sababta Ay Shaqada Uga Caydhiyeen Julian Nagelsmann.

Bayern Munich Oo Sharaxday Sababta Ay Shaqada Uga Caydhiyeen Julian Nagelsmann.
2

Oliver Kahn oo ah maamulaha guud ee kooxda Bayern Munich ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii shaqada looga caydhiyay tababare Julian Nagelsmann.

Bayern Munich ayaa shaacisay in ay Julian Nagelsmann ka cadhisay shaqada kooxda kadib markii ay ku qanci waayeen natiijooyinka kooxda horyaalka Bundesliga.

Oliver Kahn ayaa ku yiri bayaan uu daabacay website-ka rasmiga ah ee Bayern Munich: “Markii aan Julian Nagelsmann keenay Bayern Munich xagaagii 2021, waxaan ku qanacsanayn in aan iskala shaqayn karno mustaqbalka fog ee kooxda, ujeedkeenuna waxa uu ahaa sidaas ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

Waxa uu intaa ku daray, “Julian waxa uu nala wadaagayaa ciyaarista kubad qurux badan laakiin waxa aan haatan ciyaarnaa kubad xun inkasta oo aan ku guulaysanay horyaalka xili ciyaareedkii hore”.

Waxa uu intaa ku daray, “Kadib Koobkii Adduunka, waxaan u ciyaarnay si xun waxana aan soo bandhignay qaab ciyaareed aan soo jiidasho lahayn sidoo kale goolal badan ayaa nalaga dhaliyay”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Tani waa sababta aan hadda u go’aaminay in aan talaabadan kale qaadno, waxa aan doonayaa in aan u mahadceliyo Julian iyo kooxdiisa tababarka, qof walbana waxaan u rajeynayaa guul mustaqbalka”.

Related