Barcelona Loo Sheegay Halka Waddo Ee Ku Heli Karaan Saxiixa Yannick Carrasco
Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegtay Barcelona inay bixiyaan lacag dhan 16 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga Yannick Carrasco xagaagan, maadaama aysan caasimadu xiiso u qabin heshiis isku bedelasho ah.
Kooxda reer Catalan ayaa la rumeysan yahay inay ogolaatay in ay xiddiga reer Belguim la saxiixato Memphis Depay markii ay ka iibisay Atletico Madrid suuqii January.
Horaantii sanadkan, SPORT waxa ay sheegtay in heshiiska Carrasco haatana la dhamaystiray iyada oo uu xiddigu ku biiri doono Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedka.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro heshiis labada dhinac ah oo ku saabsan qiimaha, waxaana Barcelona lagu eedeeyay inay ku adag tahay inay la xaajoodaan kooxda Diego Simeone.
Sida laga soo xigtay AS, kooxda Xavi ayaa rajeyneysay inay ku daraan Ferran Torres heshiis isku badalasho si ay u helaan Carrasco laakiin kooxda Atletico Madrid ayaa sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 16.7 milyan si ay u helaan xiddiga.
Related