“Ragguu Axmed Madoobe doortay buu baarlamaanka doortay”

Jubbaland, ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee bilowda qabashada doorashooyinka xubnaha aqalka sare dowlada federaalka ee dowlad goboleedyada ka imanayo, hayeeshe waxaa la yaab ah in doorashada oo ay codeenayeen Baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo ay doorteen Ragg doornaa oo madaxtooyada Axmed Madoobe laga soo amray doorashadooda.

Guddiga doorashada heer dowlad gobboleed ee Jubbaland ee kol hore Axmed Madoobe uu magacaabay ayaa horey u soo kala reebay liiska tirada aqalka sare ee Jubbaland ay leedahay, kaliya afar kursi bay musharixiinta u tartameesay magacyadooda shaaciyeen oo doorashadooda qabteen, maxaa loo dib dhigay kuraasta kale magacaabistooda waa su’aal furan oo jawaabteedu aan wada dooneeno, hayeeshe imika jawaabta suaashaasi yeynaa waqti badan ku bixin.

Afarta Xildhibaan ”Senetaro” ee la sheegay inay kuraasta ku guuleesteen mid mooye saddexda kale waa saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Axmed Islaan, waana raggii kuraasta ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay, afarta kursi ee Kismaayo tartankeeda lagu qabtay mid walba waxaa musharaxii horey ugu fadhiyay oo Madaxtooyada Kismaayo ay wadatay lagu lamaanshay qof la sheegay inay la tartami doonaan, hubaal se ay aheyd inay ahaayeen boosas buuxiyayaal malxiisinayay galbinta kursiga.

Waa macquul inaad la yaaban tahay sida dhaqsiyaha ah ee aan musharixiinta ugu arkay inay kuraasta ka yihiin malxiisayaal ” Malxiis, soomaalida dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa midka/mida, barbar istaago caruuska/sadda habeenka aqal galka, malaha wehel baa looga dhigaa ragg/dumar way wada noqdaan.

Cabdulaahi Sheikh Ismacil ”Farataag”, Iftiin Xasan Baasto iyo ilyaas Badal Gaboose ayaa ku soo baxay kuraasta aqalka sare, muuqaalka wuxuu ahaa rag u eg kuwa tartan galayay, se xaqiiqdu waxay aheyd in Madaxtooyada Axmed islaan ay si sandula ugu qasabtay Baarlamaanka wax dooranayay. Labada nin ee hore mid walba wuxuu saaxiib dhaw la yahay Madoobaha Kismaayo, waxayna qeyb ka ahaayeen dhibaatooyin ahli ah oo deegaankaasi ka dhacay, Ilyaas Gaboose oo ninka saddexaad ah isagu horey wuxuu u soo noqday gudoomiyihiin Jubbooyinka ee dowladii Cabdulaahi Yusuf, wuxuuna ehel iyo saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waa macquul inaad is leedahay qoraaga muxuu cinwaan uga dhigtay ” Ragguu Madoobe doortay buu baarlamaanka Jubbalan doortay”, aan ku siiyo dhowr sababood iyo dhacdooyin aan goob joog u aheyn ee quseeyo baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo.

Asalkaba sida aan naqaano xubnaha baarlamaan dowlad goboleed ama heer federaal marka la dooranayo waxay matalaan beelo ama qabaail hadba sida aad u garan og tahay, maadaama awood qeybsiga dowladnimo ee waddanka ay sees u tahay qabaa’il ka inay kuraastooda soo xushaan laakiin taa caksigeed xulashadii Baarlamaanka Jubbaland, Axmed Madoobe isaga ayaa lahaa. Si kale aan kuugu sheego Qabiil walba wuxuu faray in kursigooda ay u keenaan saddex qof oo uu isaga kursiga siin doono midkuu doonayo, sidaa buu ku soo xushay Xildhibaano isaga hoostaga.

Baarlamaanka Jubbaland ma yeesho kulamo dhameestiran, lama xisaabtamo wasiirada Axmed uu magacaabay, ma keeno ajande iyo qorshe baarlamaani ah oo u gooni ah, xeer hoosaad iyo sharci ay meel mariyeen oo nidaamka jiro ay kula xisaabtamaan ama u dirayaan fulinteeda ma jirto oo waligeedba may dhicin, si qarsoodi ah baa loo codeenayay oo doorashadu ku dhacday hayeeshe taasi waa muuqaalka guud ee cabirka dadka lagu qaldayo, xildhibaanada mid walba si gooni ah baa loogu sheegay inay hebel u codeeyaan, qofkii diidmo sameeyana uu weyn doono xasaanadiisa iyo xubinimadiisa baarlamaaneed.

Waxa Kismaayo ka dhacay waa nin doornaa un hala doorto..

W/Q: Fatuma Yasin Omarfatumayasin2019@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Axadle. Axadle, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada info@axadletimes.com Mahadsanid

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More