Zlatan Ibrahimovic Oo Go’aamiyey Natiijada Milan Derbay,

AC Milan ayaa guul ay ku rafaadday ka gaadhay kooxda ay isku magaalada iyo garoonkaba yihiin ee Inter Milan, taas oo ay ku garaacday 2-1.

Zlatan Ibrahimovic ayaa AC Milan u dhaliyey laba gool oo saddex daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen oo qaybta hore ahaa, waxaana midka hore uu ahaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 10aad oo uu goolhaye Samir Handanovic ka qabtay, laakiin uu kubadda dib ugu celiyey oo uu dhaliyey.

Goolka labaad ayuu dhaliyey daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta waxaanay ahayd kubbad ka timid dhinaca bidix oo uu soo dhiibay Leao, halka Inter Milan uu goolkeeda madiga ah dhaliyey Romelu lukaku isla qaybta hore.

Inter Milan ayaa rikoodhe loo dhigay uu ka diiday VAR, waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyey ay iska khasaariyeen fursado ay goolal ku dhalin karayeen oo ay ciyaarta ku barbarrayn lahaayeen.

Shaxdii labada kooxood

MILAN (4-2-3-1): Gianluigi Donnarumma; Davide Calabria, Simon Kjaer, Alessio Romagnoli, Theo Hernandez; Ismael Bennacer, Franck Kessie; Alexis Saelemaekers, Hakan Calhanoglu, Rafael Leao; Zlatan Ibrahimovic.

Kaydka: Ciprian Tatarasanu, Diogo Dalot, Samu Castillejo, Sandro Tonali, Andrea Conti, Jens Hauge, Pierre Kalulu Kyatengwa, Brahim Diaz, Daniel Maldini, Lorenzo Colombo, Rade Krunic, Antonio Donnarumma.

INTER (3-4-3): Samir Handanovic; Danilo D’Ambrosio, Stefan de Vrij, Aleksandar Kolarov; Achraf Hakimi, Marcelo Brozovic, Arturo Vidal, Ivan Perisic; Lautaro Martinez, Nicolo Barella, Romelu Lukaku.

kAYDKA: Alexis Sanchez, Andrea Ranocchia, Christian Eriksen, Daniele Padelli, Filip Stankovic, Matteo Darmian, Lorenzo Moretti, Franco Vezzoni, Niccolo Squizzato, Martin Satriano, Andrea Pinamonti.

AC Milan ayaa kulanka ku bilaabatay iyadoo ku jirtay qaab ciyaareed wanaagsan, isla markaana uu hormood u yahay Zlatan Ibrahimovic oo kusoo laabtay safak hore ee kooxda kaddib markii uu kasoo laabtay xanuunka Korna Fayras.

Laakiin Inter Milan ayay xanuunkan kaga maqnaayeen saddexda laacib ee Alessandro Bastoni, Roberto Gagliardini iyo Milan Skriniar.

Daqiiqaddii 10aad ee ciyaarta ayaa AC Milan loo qabtay rikoodhe kaddib markii uu kubbad usoo dhiibay Calhanoglu uu ku jallaafay Kolarov, taas oo garsooraha ciyaartuna uu markiiba tilmaamay rikoodhe.

Ibrahimovic oo kubadda qaatay ayuu goolhaye Handanovic iska soo ka qabtay, waxaase uu laacibka reer Sweden helay kubadda oo soo boodday oo goolka hortaalla oo uu dib ugu celiyey.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Inter Milan oo aan wali gagab goynin ayaa mar kale gool labaad uu Ibrahimovic u raaciyey, waxaana kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Rafael Leão uu si fudud ugu leexiyey goolka oo kaliiya Handanovic uu ku jiray, waxaanay ciyaartu noqotay 2-0.

Romelu Lukaku iyo Martinez ayaa weerarro badan ku qaaday AC Milan, waxaase muuqanayay in aanay ciyaartoyda afka hore si aad ah isku fahamsanayn oo wada shaqayntooduna liidatay, gaar ahaan Lukaku iyo Martinez.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! Milan 2-1 Inter – Romelu Lukaku ayaa gool u dhaliyey Inter Milan, waxaana uu si fudud ugu leexiyey shabaqa Milan kubbad uu ka helay Perisic oo dhinaca bidix kasoo jabiyey, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 2-1 ay AC Milan hoggaanka ciyaarta la nasatay.

Qaybtii labaad ayay Inter Milan muujisay kubbad wanaagsan, waxaana fursaddii ugu wanaagsanaya ay soo martay daqiiqaddii 59aad oo Achraf Hakimi uu goolka hortiisa ka helay kubbad sarraysay oo uu usoo qaaday Arturo Vidal, waxaana uu isku daadiyey madax birta garab martay, taas oo haddii uu u dhiibi lahaa Lukaku iyo Martinez ay iyagoo cidlo ah goolka hor taagnaayeen.

RIKOODHE!!!! Daqiiqaddii 72aad ee ciyaarta ayaa Inter Milan loo dhigay rikoodhe ku yimid Lukaku oo uu goolhaye Donnarumma uu lugta ka jugeeyey, waxaanu garsooruhu go’aamiyey in rikoodhe la dhigo, hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa waxay caddaysay in Lukaku uu offside ku jiray ka hor intii aan kubadda la siinin.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray ayay Inter Milan heshay fursad qaali ahayd oo uu Lukaku xerada ganaaxa ka helay kubbad uu birta garab mariyey, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday AC Milan.