Zinedine Zidane wuu walwalsan yahay

Zinedine Zidane ayaan ka qayb qaadan tababarkii Real Madrid ee khamiistii isaga oo loga cabsi qabo caafimaadkiisa xilli uu ku soo badanayo adduunka oo dhan mawjado cusub oo viruska Korona ah.

Tababare Zidane ayaa la karantiilay inuusan ka bixin gurigiisa ka dib markii fayras ku dhowaad la is qaadsiiyo uu helay qof u dhow.

Real Madrid war rasmi ah kama soo saarin xaalada tababarahooda, laakiin waxay xaqiijineysaa in baaritaanada la sameeyay ay muujisay inuu bad qabo.

Laakiin tijaabo kale oo lala socdo mashiinka PCR ayaa sidoo kale la qaaday jawaabtoodana waxaa la filayaa goor dambe oo Khamiista ah.

Sida laga soo xigtay La Sexta, Real Madrid waxay haysaa natiijada baaritaanka iyadoo qalbiyadooda ay gacmahooda ku jiraan.

Walaaca kale ee jira ayaa ah in kastoo uu Zidane nabad qabo tijaabada PCR-na ay muujineyso, sharciga LaLiga uma ogola inuu tababar ku siiyo Real Madrid kulanka Osasuna ee guriga sabtida.

Seddex maalmood ka dib, wuxuu mari doonaa tijaabo cusub si loo hubiyo in natiijooyinka ay nabdoon yihiin, taas oo macnaheedu yahay inuu wali guriga sii joogi doono seddex maalmood oo kale xitaa uusan tababar qaadan doonin ka dib ciyaarta Osasuna.

Haddii uu Zinedine Zidane seego, Real Madrid waxaa hoggaamin doona David Bettoni markii ugu horreysay waayihiisa tababarenimo, isagoo horay u soo tababaray kooxda reer Qatar ee El Sadar.

Real Madrid ayaa u safreysa Pamplona jimcaha si ay ula ciyaaraan Osasuna.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More