Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Xiddigaha Actual Madrid Ee Kulanka Athletic

Zinedine Zidane ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda Actual Madrid ee kulanka adag ee Athletic Bilbao ay habeen dambe la ciyaari doonaan, kaas oo ay u baahan yihiin in ay guuleystaan si ay rajadooda horyaalka LaLiga usii noolaato illaa kulanka ugu dambeeya amaba hoggaanka u qaban karaan haddii ay Atletico dhibco lumiso.

Mariano Diaz oo tababarkii Sabtidii shalay ka maqnaa ayaa uu Zidane kusoo daray liiska xiddigihiisa, waxaana sidoo kale kusoo laabtay Marcelo oo ka maqnaa ciyaartii badhtamihii usbuuca ee Granada, taas oo la sheegay in looga reebay markii ay isku dhaceen Zinedine Zidane.

Actual Madrid ayaa safar ku tegaysa San Mames habeen dameb iyadoo laba dhibcood ka dambaysa Atletico Madrid oo hoggaanka haysa, isla markaana laba dhibcood ka horreysa Barcelona oo saddexaad ku jirta.

19 ciyaartoy ayaa uu Zidane usoo xushay kulankan, waxaana uu ka yimdi Sergio Arribas oo kooxda da’yarta ee Casilla u ciyaari doona Axadda, balse Zidane waxa uu soo qaatay Miguel Gutierrez iyo Antiono Blancos.

Actual Madrid ayaa waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan Lucas Vazquez, Dani Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy iyo Toni Kroos oo isagu karantiil ku jira.

Liiska ciyaartoyda Actual Madrid ee kulanka Athletic Membership

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Eder Militao, Nacho, Marcelo, Alvaro Odriozola, Miguel Gutierrez.

Dhexda: Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco, Antonio Blanco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More