Zinchenko oo la filayo inuu dhammeystiro heshiiska uu ugu 

(Manchester) 15 Luulyo 2022. Oleksandr Zinchenko ayaa la filayaa in uu dhammaystiro ku biiristiisa Arsenal iyada oo dib u habeynta Manchester City ay socoto, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ukraine ayaa ku adkeysanaya inuu ka tago Etihad Stadium,

25 jirkaan ayaa rajeynaya inuu ciyaaro waqti badan kaddib markii uu saftay kaliya 15 kulan iyadoo City ay ku guuleysatay Premier League-ga xilli ciyaareedkii hore.

Sportsmail ayaa shaaca ka qaaday xiisaha ay Arsenal u qabto laacibkaan, waxaana lagu soo waramayaa inay City ku qiimeyso 35 milyan ginni, labada naadi ayaana suurtogal ay tahay inay ka heshiiyaan, iyadoo rajo laga qabo in dhaqaalaha la isla meel dhigo maalmaha soo socda.

Mikel Arteta ayaa isha ku haaya inuu keeno Zinchenko garroonka Emirates Stadium, kaasoo awood u leh inuu ka ciyaaro daafaca bidix iyo khadka dhexe.

Mikel Arteta iyo Zinchenko ayaa horray ugu sooo wada shaqeeyay man metropolis markii uu macalinka Spanish-ka ee Arteta uu ahaa kaaliyaha Pep Guardiola, iyadoo City ay Tariikh u lahayn inaysan ka hor istaagin ciyaartoyda doonaya inay kooxo kale aadaan waa haddii xiddigaha Loo balan qaadayo ciyaaro badan oo safasho ah haddii ay kuhelayaan dalab la aqbali karo.

Zinchenko waxaa lasoo warrinayaa inuu qarka u saaran yahay in uu dib ula midoobo saaxiibkiis Gabriel Jesus kaas oo xilli ciyaareedka cusub matali doomo Gunners kaddib markii ay 45 milyan ginni kula soo wareegeen horaantii suuqa kala iibsiga.

City ayaa weli ka bixin suuqa iyadoo saxiixyada cusub baadi goob ugu jiro, xilli uu diidarradda usaaranyahay Marc Cucarella inkastoo Brighton ay daafaca buuxa ku qiimeyso 50 milyan oo ginni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More