Zidane Oo Magacaabay 20ka Xiddig Ee Uu Berri Kala Hortagayo

Tababare Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska 20ka xiddig ee uu kala hortagayo kooxda Barcelona kulanka El Clasico ee berri oo Sabti ah.

- Advertisement -

Tababaraha Faransiiska ayaa ku faraxsan inay u soo laabtay kabtankii Sergio Ramos kaasoo taam buuxda u ah kulanka berri.

Ramos ayaa dhaawac ku seegay kulankii Champions League ee ay guuldarada ka soo gaartay Shakhtar Donetsk laakiin wuxuu haatan ka soo muuqday liiska xiddigaha u safraya Cmap Nou.

Laakiin waxaa weli dhaawacyo ku maqan Eden Hazard oo aan la ogeyn mudada uu soo laabanayo iyo daafaca midig Dani Carvajal.

Marcelo oo si liidata u ciyaaray kulankii Shakhtar ayaa loo soo yeeray laakiin lama filayo inuu ku soo bilaaban doono kulanka berri, si la mid ah Jovic oo ku fashilmay Los Blancos ayaa isna loo soo yeeray laakiin isna lama filayo inuu heli doono fursad kale.

Liiska 20ka Xiddig Ee Real Madrid ee Kulanka El Clasico:

Goolhaye: Courtois, Lunin, Luis LopezDaafac: Militao, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, MendyKhad dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, IscoWeerar: Benzema, Asensio, L.Vazquez, Jovic, Vini Jr, Rodrygo

?✅ Our 20-man squad for #ElClásico!#HalaMadrid pic.twitter.com/hI8KBbDorX

— Real Madrid C.F. ???? (@realmadriden) October 23, 2020

Madrid aaya dooneysa inay wadada guusha ku soo laabato berri madaama ay labo guuldarro oo isku xigta soo gaartay isbuucaan, iyagoo guuldarro kala kulmay kooxda ku cusub horyaalka La Liga ee Cadiz ka hopr inta aan laga badinin kulankii Champions League.s.

Madrid ayaa niyada ku dhisaneysa inay badiyeen kulankii ugu danbeeyay ee El Clasico ee la ciyaaray bishii March, laakiin kama aysan badinin Barcelona labo kulan oo isku xigta horyaalka La Liga tan iyo bishii May 2008.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More