Yaya Touré oo magacaabay xiddig u qalma inuu mar uun ku guuleysto

(Munich) 29 Juun 2022. Xiddigii hore ee kooxaha Manchester City iyo Barcelona ee Yaya Toure ayaa falanqeeyay heshiiska uu Sadio Mane ugu biiray naadiga Bayern Munich.

Yaya Toure ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in xiddiga reer Senegal uu awood u leeyahay inuu guulo ka gaaro Germany, isla markaana uu rajeynayo in maalin uu ku guuleysto abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or.

Sadio Mane ayaa u dhaqaaqay Bayern ka dib markii uu soo bandhigay xilli ciyaareed heer sare ah oo uu la qaatay Liverpool iyo xulka qaranka Senegal.

Haddaba Xiddigii hore ee kooxaha Manchester City iyo Barcelona ee Yaya Toure ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay arrimo quseeya Sadio Mane, wuxuuna yiri:

“Sadio Mane wuxuu la joogi doonaa Senegal, oo leh awood aad u weyn, leh ciyaartoy badan oo ka ciyaara kooxo waa weyn oo Yurub ah, sida Kalidou Koulibaly. Idrissa Gueye, Édouard Mendy, dhammaantood waa ciyaartoy aad u xiiso badan.”

“Senegal waxay la mid tahay Ivory Coast markii aan ciyaarnay koobkii qaramada Afrika iyo koobka adduunka.”

“Mane wuxuu ka soo dhaqaaqay koox weyn wuxuuna u wareegay koox kale oo weyn, wuxuu tababare weyn kaga tagay Liverpool, wuxuuna kula biiray Bayern Munich, waxana uu leeyahay awood uu leeyahay awood uu isku muujiyo.”

“Mane aad ayuu u dhaawacmay, sidoo kale waa nin awood badan, sidoo kale waa nin wanaagsan, waxaan u rajeynayaa wanaag, waxaana rajeynayaa inuu sidoo kale kasoo dhalaali doono koobka adduunka, waxaana rajeynayaa in uusan kaliya noqon doonin mid heer sare ah, balse uu ku guuleysan doono ee Ballon d’Or”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More