Xulka Qaranka England Ee EURO 2020, Alexander-Arnold Oo Ku Jiraya Iyo

Gareth Southgate ayaa toddobaadkan si rasmi ah ugu dhawaaqi doona liiska ciyaartoyda xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmi doona, waxaana wali taagan hadal hayn badan oo ku saabsan laacibiinta uu magacaabi doono iyo kuwa uu ka tegayo.

Germany, France, Portugal, Belgium iyo England ayaa ah waddamada loo saadaalinayo in ay ku guuleysan doonaan koobka, waxaanay waddamadani haystaan ciyaartooyo wanaagsan, gaar ahaan afarta dambe oo xiddigo da’yar u badan oo cajiib ahi usoo baxeen.

Xulka qaranka England ayaa boos walba waxa uu Southgate ku haystaa ciyaartooyo aan kala dhicin, taasina waxay keeni doontaa in uu laacibiin badan oo aad u wanaagsan uu ka tago sababtoo ah waxa kala badan tirada loo ogol yahay iyo ciyaartoyda wanaagsan ee dalkaas u dhalatay ee sugaya in lagu daro xulka ka qayb-gelaya Euro 2020.

Shir jaraa’id oo uu qaban doono Salaasada ayuu Gareth Southgate ku shaacin doonaa xulkiisa, waxaase saadaal la sameeyey ay muujisay in difaaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold uu wali yahay ciyaartoyga ay doodda ugu badan ka taagan tahay.

Alexander-Arnold ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda qaranka ee kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka iyo saaxiibtinimo ee bilihii tegay, waxaanu Southgate muujiyey in aanu ku qanacsanayn qaab ciyaareedkiisa, isagoo ka doorbiday Kieran Trippier, Kyle Walker iyo Reece James oo dhamaantood difaaca midig ah, laakiin saadaal la sameeyey ayaa waxay muujinaysaa in liiska ay ku jirayyaan labada ciyaartoy ee dambe, balse uu ka bixi doono Trippier oo uu booskaas soo geli doono Tent Alexander-Arnold.

Saadaasha xiddigaha xulka qaranka England ee uu Gareth Southgate shaacin doono Salaasada:

Goolhayeyaal:

1. Dean Henderson (Manchester United)

2. Nick Pope (Burnley)

3. Jordan Pickford (Everton)

Difaaca midig

4. Kyle Walker (Manchester City)

5. Trent Alexander-Arnold (Liverpool)

6. Reece James (Chelsea)

Difaaca dhexe

7. Harry Maguire (Manchester United)

8. John Stones (Manchester City)

9. Tyrone Mings (Aston Villa)

10. Ben Godfrey (Everton)

Difaaca bidix

11. Luke Shaw (Manchester United)

12. Ben Chilwell (Chelsea)

Khadka dhexe

13. Declan Rice (West Ham United)

14. Kalvin Phillips (Leeds United)

15. Jude Bellingham (Borussia Dortmund)

16. Jordan Henderson (Liverpool)

Dhexda weerarka xigta

17. Phil Foden (Manchester City)

18. Mason Mount (Chelsea)

19. Jack Grealish (Aston Villa)

Garbaha weerarka

20. Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

21. Raheem Sterling (Manchester City)

22. Marcus Rashford (Manchester United)

23. Bukayo Saka (Arsenal)

Afka hore/Weerarka tooska ah

24. Harry Kane (Tottenham Hotspur)

25. Dominic Calvert-Lewin (Everton)

26. Mason Greenwood (Manchester United)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More