XOG: Kadib ceebtii Man City

Chelsea ayaa raadineysa bedelka Frank Lampard, kaasoo cadaadis badan uu saarnaa ka dib guuldaradii shalay ee Manchester City iyo Pep Guardiola.

Chelsea ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, waxaana ay 3-1 kaga badisay City xalayto Stamford Bridge.

Sida laga soo xigtay The Athletic, buluugyadu waxay raadinayaan bedelka suurtogalka ah ee Lampard haddii ay dareemaan inay u baahan yihiin inay ceyriyaan Lampard.

Dhibaatada ugu weyn ee heysata Chelsea inay 8 ka dhigto guruubka gaar ahaan waxay leedahay hal ama labo kulan oo ay wada ciyaaraan dhamaan 17-kii kulan ee ay ciyaareen.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa liiska afarta tababare ee Daily Star ay u aragto bedelka mustaqbalka ee Chelsea haddii ay diraan Frankie.

Max Allegri

Tababarihii hore ee Juventus ayaa ka mid ah kooxaha ugu cadcad ee bedel u noqon kara Lampard garoonka Stamford Bridge, tababaraha lixda jeer ku guuleystay Serie A ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Juventus bishii May 2019 waxaana markasta lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League.

Thomas Tuchel

Tuchel waxaa shaqada ka ceyriyay PSG bishii hore laakiin wuxuu ku hogaamiyay finalka Champions League bilo ka hor.

Laurent Blanc

Daafacii hore ee Manchester United iyo tababarihii hore ee PSG ayaa kamid noqon kara liiska laakiin waxaa dhawaan u magacaabay Al-Rayyan dalka Qatar.

Rafa Benitez

Benitez ayaa horeba si ku-meel gaadh ah ugu leyliyay Chelsea, isagoo kula guuleystay Europa League sanadkii 2013 iyo wacdarro ka dhigay Newcastle United ka hor inta uusan u dhaqaaqin Horyaalka Shiinaha iyo Dalian Professional.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More