Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

N’Golo Kante Waxaa uu Bartey Xirfado Gebi Ahaan ka Duwan Kahor Inta Uusan Noqon Ciyaaryahan

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 4-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~4 min audio

Aad ayay u adag tahay in la rumayso, laakiin waa xaqiiqo ee meel ku qoro. N’Golo Kante ma hubin inuu noqon doono ciyaartoy weyn, kumana fikirayn inay sidani dhacayso oo uu xirfadle dunida laga yaqaano isku beddeli doono.

Laacibkan Muslimka ah ee ku guuleystay Koobka Adduunka, waxa uu tababarka la qaadan jiray koox yar oo xataa magaceeda aanad hore u maqal, balse saddex sannadood gudahood ayay wax waliba isku beddeleen.

- Advertisement -

N’Golo Kante waxa uu xirfaddiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda JS Suresnes oo aad uga fog in ciyaartoydeedu ku riyoodaan inay horyaalka Premier League ka ciyaaraan, kuna guuleystaan. Sannadkii 2012kii, laacibkan ku dhashay magaalada Paris, boos  joogto ah kama haysanin  kooxdan heerka saddexaad ee Faransiiska.

Dhawr kooxood oo uu isku dayay inuu tababarka la qaato ayaa isku dayay, ugu dambayntiina waxa uu fursad ka helay naadiga Boulogne oo uu kooxdeeda kaydka ku biiray. Waqtigaas, waxay kooxdani ka ciyaaraysay heerka lixaad, laakiin tababarihii naadigaas ayaa arkay kartida ku jirta N’Golo Kante, waxaanu siiyey boos joogto ah iyadoo uu ka caawiyey inay usoo dallacdo heerka shanaad.

Sannadkii 2016 ayaa waraysi uu bixiyey uu ku qirtay in kaliya uu bilaabay inuu rumaysto inuu noqonayo xirfadle kubadda cagta markii uu madaxa la galay da’da 20 jirka, isaga oo xilligaas barta xisaabaadka.

N’Golo Kante oo waraysigaas ka hadlayay ayaa yidhi: “Waxaan joogay Boulogne oo ah kooxdaydii labaad, heerka lixaadna ahayd kaddibna waxaanu nimid heerka shanaad. Anigu maan ahayn xilligaas xirfadle kubadda cagta ah, waxaanan sii waday waxbarashada sababtoo ah maan hubin inaan awoodi doono inaan noqon doono ciyaartoy.

“Markii aan noqday 18 jir, waxa aan qaatay shahaadadayda A-level ka ee xisaabaadka (baccalaureate), kaddib laba sannadood oo kale ayaan waxbarashada xisaabaadka sii waday.

“Markii aan ka mid noqday kooxda koowaad, ayaan noqday xirfadleh, sidaa darteedna waxbarashadii ayaan joojiyey. Waan qaatay shahaadooyinkii xisaabaadka balse waxaan door biday inaan yoolkayga u leexiyo kubadda cagta.”

Laba sannadood ayuu sugayay in kulankiisii koowaad uu u safto kooxdan, waxaana ciyaartii koowaad ee heerka lasoo geliyey maalintii ugu dambaysay xili ciyaareedka oo ku beegnayd May 2012.

11kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayuu tababaraha Boulogne beddel ku keenay, waxaana ciyaartaas oo ay iska hor  yimaaddeen Monaco oo iyaduna waqtigaas heerka labaad ee Ligue 1 joogtay ay la ciyaareen ay ku badisay 2-1.

Umay ahayn ciyaar uu farxad ku dhamaystay, balse waxay laacibkan khadka dhexe u noqotay bilow wanaagsan iyo fursad uu ka faa’iidaystay.

Xili ciyaareedkii xigay, Kante ayaa si joogto ah ugu ciyaaray, waxaana naadigiisa  oo u degay heerka saddexaad uu ka dhigay mid wacdaro dhigta oo khadka dhexe uu tiir dhexaad uga ahaa.

Xili ciyaareedkii 2012/13, waxa uu kooxdiisan yar ee Boulogne uu kaliya seegay hal kulan dhamaan 38kii ciyaarood ee xili ciyaareedkaas, iyadoo uu ka caawiyey inay kaalinta 13aad ku dhamaysano.

Kooxda Caen oo iyaduna waqtigaas heerka labaad ahayd ayaa uu si xor ah ugu wareegay, iyadoo uu tababarihii kooxdaas ee Patrice Garande oo aragti dheer lagu yaqaanay ay indhihiisu qabteen mucjisada N’Golo Kante, waxaana uu bilowgiiba aas-aasi ka noqday safka hore ee kooxda iyagoo xili ciyaareedkaasna usoo dallacay heerka koowaad ee Ligue 1.

Xili ciyaareedkii xigay ayuu sidii oo kale u ahaa xiddig laf-dhabar ah, waxaanu Caen mar kale u horseeday in ay qayb kasii ahaato horyaalka Ligue 1 oo aanay dib ugu laaban heerkii ay kasoo dallacday.

Muddo saddex sannadood ku siman, N’Golo Kante waxa uu noqday ciyaartoy heerka lixaad ee Faransiiska illaa heerka koowaad ee Ligue 1 ka ciyaaray, taas oo ahayd wax mucjiso ah.

Waqtigan, waa xiddiga loogu qaddarinta badan yahay kubadda cagta, waa nin Muslim ah oo ku adag caqiiqada, sidoo kalena ku guuleystay Koobka Adduunka iyo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Noloshu way wajiyo badan tahay, waxaana hore usii go’aamiyey Ilaahay halka uu qof walba marayo, balse dedaalkeeda ayaa laga doonayaa inuu ruux walba la yimaaddo.

N’Golo Kante waxa uu maanta ahaan lahaa qof aad uga duwan midka uu yahay maanta haddii uu Xisaabiye noqon lahaa oo uu aqoontiisa gaar u noqon lahaa, halka uu hadda ka yahay xiddig dunida oo dhani taqaano oo malaayiin lacag ah haysta.

How do you rate this story?

0 votes