Xiniinyaha Ayuu Ka Dhaawacmay, Inuu Ciyaarta Sii Wato Ayuu

Daafaca kooxda ree Brazil ee Flamengo ee Gustavo Henrique ayaa lagu qasbay inuu bedel ku baxo intii uu socday kulan ay kooxdiisu ciyaartay shalay oo Isniin ahayd.

- Advertisement -

27 sano jirkan ayuu dhaawac ka gaadhay xiniinyaha iyadoo ay kaamerooyinku qabteen iyadoo hoos gashiga uu garoonka kusoo galay oo cadaan ahaa uu dhiig badani ka muuqday kulankii ay kahor tageen dhigooda Corinthians.

Wakhtiga uu dhaawacu gaadhay Gustavo Henrique ayaa ahaa qaybtii hore ee kulankaas oo aad u xooganaa, wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahan Corinthians ka tirsani uu si lama filaan ah ugu istaagay kaddib taako uu ku qabtay Gustavo.

Daafaca ree Brazil ayaa u muuqday mid ay aad uga go’antahay inuu kulanka ka qayb qaataa waxaana uu marka hore ka baxay garoonka isaga oo soo bedeshay hoos gashiga uu garoonka ku yimid oo kaliya walow meesha dhaawacu ka gaadhay ay ilaa xad halis weyn tahay.

Balse daqiiqadii 39-aad ee kulankaas ayaa lagu bedelay Gabriel Noga kaddib markii uu ka joogsan waayay dhiigu.

Henrique ayay kooxda caafimaadka ee kooxdiisu qiimayn ugu samaysay qolka labiska kaddib markii la bedelay, dhiiga ayaa ka joogsaday balse xaaladiisa caafimaad ayaa ah mid wali isha lagu hayo.

“Xanuunka waan dareemi karaa kaddib markii aan arkay” ayuu yidhi mid kamida jamaahiirta kubadda cagta oo baraha bulshada fal-celin ku sameeyay.

Taageere kale ayaa isaguna raacsaday “Waa riyada ugu xun ee ninkasta”, halka uu taageere saddexaad isaguna dareenkiisa ku cabirray “Kaasi waa dhaawacii ugu xanuunka badnaa abid”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More