Xiddigii Ugu Qaalisanaa Arsenal Xagaagan Oo Tijaabada Caafimaadka

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa isku diyaarinaysa soo dhoweynta xiddigii ugu qaalisanaa ee ay lasoo saxeexdaan saxaagan, waxaase kaliya ay sugayaan inta uu marayo tijaabada caafimaadka markaas oo uu si rasmi ah u noqon doono ciyaartoy Arsenal ah.

Tababare Mikel Arteta ayaa sugi kari la’ inta uu Emirates Stadium soo gaadhay laacibkiisa ugu qaalisan ee uu xagaagan lasoo saxeexday ee Ben White oo ay kasoo bixiyeen lacag gaadhaysa £50 milyan oo Gini.

White oo bandhig heersare ahaa ka sameeyey Brighton xilli ciyaareedkii hore ayay Arsenal la gaadhay saxeex xilli lagu mashquulsanaa ciyaaraha caalamiga ah ee Euro 2020 oo laacibkana laga saaray liiska England.

Arsenal ayaa ka gudbisay laba dalab oo laga soo diiday oo kala ahaa £40 milyan oo Gini iyo £47 milyan oo Gini, laakiin markii dambe ayay buuxisay caddadkii ay Brigthon dalbanaysay oo ahaa £50 milyan oo Gini.

Sida uu sheegay telefishanka Sky Sports, White ayaa Arbacada soo gaadhi doona garoonka tababarka Arsenal, waxaanu ku mari doonaa tijaabada caafimaadka ka hor inta aanay Gunners usoo bandhigin warbaahinta.

White ayaa noqday ciyaartoygii saddexaad ee ay Arsenal lasoo saxeexato xagaagan, waxaana hore usoo gaadhay Emirates Stadium Nuno Tavares oo difaaca bidix ka ciyaara iyo ALbert Sambi Lokonga oo khadka dhexe ah, kuwaas oo ay kasoo iibsatay kooxaha Benfica iyo Anderlecht.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More