Xiddigii Hore Ee Premier League Oo Si Kama Ah Ugu Saxiixay

Daaficii hore ee England Joleon Lescott ayaa si kama ah ugu soo laabtay garoomada isagoo ku biiray koox ka dhisan horyaalka heerka seddexaad ee Spain.

Kooxda Racing Murcia ayaa ku dhawaaqday saxiixa 38 jirkaan maanta oo Jimce ah.

Waxay xaqiijiyeen in Lescott uu kulankiisa ugu horeysa u ciyaari doono iyaga kulanka Copa del Rey ee ay ka horimaanayaan kooxda La Liga ka ciyaara ee Levante 16ka December.

Si kastaba, waxaa haatan soo baxday sheeko qariib ah iyadoo xiddiga labada jeer ku guuleystay Premier League uu aaminsanaa inuu kaliya ogolaaday inuu hal kulan oo saaxiibtinimo uu u dheelo iyaga.

Waxayna ku noqotay amakaak markii uu arkay warka ku saabsan inuu u saxiixay kooxda Racing Murcia.

Lescott oo Man City u qaabilsan la socoshada xiddigaha amaahda uga maqan ayaa markii ugu danbeysay ee uu kulan tartan rasmi ah ciyaaray waxay aheyd seddex sannadood iyo bar isagoo u saftay Sunderland kulan ay guuldarro 5-1 ka soo gaartay Chelsea.

Waxaa la sugayaa in la arko haddii uu haatan u safan doono Racing bisha soo socota ama haddii kooxda reer Spain ay dib u sixid ku sameyn doonto isfaham waaga dhacay.

Lescott ayaa labo Premier League, FA Cup iyo League Cup la qaaday kooxda Manchester City ka dib markii uu heshiis 22 milyan ginni uga soo wareegay Everton sannadkii 2009.

Waxa uu sidoo kale u ciyaaray Wolves, Everton, West Brom, Aston Villa iyo Sunderland ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisanin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More