Xiddigaha u sharraxan abaal-marinta laacibka bisha September ee

(Egland) 22 Sebt 2022. Waxaa shaaca laga qaaday liiska xiddigaha u sharaxan abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishan sii dhamaaneysa ee September.

Liiska waxaa ku ku soo baxay 6 ciyaartooy oo uu hoggaaminayo laacibka kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne iyo weeraryahanka naadiga Manchester  United ee Marcus Rashford, sidoo kale waxaa ku jira Philip Billing (Bournemouth), Pierre-Emile Höjbjerg (Tottenham), Alex Iwobi (Everton), Jacob Ramsey (Aston Villa).

Philip Billing ayaa bishii Sebtembar laba u dhaliyay kooxda Bournemouth, wuxuuna ka dhaliyay kooxaha Newcastle United iyo Nottingham Forest.

Kevin De Bruyne ayaa bishii September caawiyay 3 ay dhaliyeen saaxiibadiis kooxda Man City.

Pierre-Emile Höjbjerg ayaa u dhaliyay kooxda Tottenham kulankii Fulham, waxana uu sidoo kale caawiye ka ahaa kulankii Leicester City.

Alex Iwobi ayaa caawiye ka ahaa ka guushii Everton ay ka gaartay West Ham United.

Jacob Ramsey ayaa caawiye ka ahaa ka kulankii ay Aston Villa barbaraha la gashay Manchester City, wuxuuna sidoo kale ka dhaliyay Southampton.

Marcus Rashford ayaa ka qeyb qaatay 4 ay dhalisay Manchester United bishii September, wuxuu caawiyay ka kulankii Leicester City, sidoo kale laba ayuu dhaliyay halka kale uu caawiyay kulankii Arsenal.

Yeelkeeda, codeynta taageerayaasha ayaa xirmi doonta maalinta Isniinta, oo ay taariikhda ku beegantahay 26 Sebtembar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More