Xiddigaha U Sharaxan Weeraryahanadii Abid Ugu Fiicnaa Dunida

Inkastoo abaalmarinta caadiga aheyd ee Ballon d’Or aan la bixin doonin sannadkan 2020, hadana waxaa jirta tartan loogu jiro Kooxda Riyada ee Ballon d’Or iyadoo haatan la shaaciyay xiddigaha u sharaxan dhanka weerarka.

- Advertisement -

Maanta oo Isniin ah ayaa la shaaciyay laacibiinta u sharaxan seddexda boos ee weerarka iyadoo ay ka soo muuqdeen xiddigaha ugu magaca weyn dunida sida Lionel Messi, George Best iyo Stanley Mathews.

Majalada France Football ayaa shaacisay liiska musharaxiinta iyagoo doonaya inay sameeyaan shax taariikhi ah oo loogu dabaaldegayo xiddigihii abid ugu fiicnaa ee dunida soo maray.

France Football waxay weerarka u kala saartay seddex qeyb: garabka bidix, weerar dhexe iyo garabka midig.

Qeyb walba waxaa u sharaxan 10 ciyaaryhan.

Midig: Beckham, Jairzinho, Best, Keegan, Eto’o, Matthews, Figo, Messi, Garrincha, Robben

Bidix: Blokhine, Rivaldo, Cristiano Ronaldo, Rivelino, Dzajic, Ronaldinho, Giggs, Rummenigge, Henry, Stoichkov

Dhexda: Bergkamp, Gerd Muller, Cruyff, Romario, Dalglish, Ronaldo Nazario, Eusebio, Van Basten, Kocsis, George Weah

Waxaa xisoo leh inaan musharaxiinta lagu soo darin xiddig Isbaanish ah inkastoo Spain ay soo saartay weeraryahanada sida Gento, David Villa iyo Raul.

Shaxda Riyada Ballon d’Or waxaa la shaacin doonaa 17ka December ka dib marka codadka la tiriyo iyadoo tani ay bedeli doonto xafladii lagu bixin lahaa abaalmarinta Ballon d’Or.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More