#Xiddiga Liverpool James Milner oo kaftan ahaa uu yiri waxaan noqon doona taageere ManUnited ah markii ugu horeysay nolosheyda

263,383

Manchester United ayaa habeen dambe Old Trafford ku marti qaadi doonta kooxda Manchester City kulan uu isha ku hayo taageera kasta oo Liverpool ah.

Jookarka Reds ee James Milner ayaa qiray in habeen dambe uu markii ugu horreysay noloshiisa taageeri doono Manchester United si ay guul ama bar baro uga keento City.

Xiddiga reer England ayaa u soo ciyaaray saddex koox oo aad ula xifaaltama United, Leeds, Man City iyo Liverpool uu hadda ka tirsan yahay, balse xifaaltankaas habeen dambe meel ayuu iska dhigi doonaa oo wuxuu taageeri doonaa Red Devils isagoo rajo ka qaba inay u celiyaan kooxda Pep Guardiola.

“Waa markii ugu horreysay nolosheyda aan taageerayo Man United.” Milner ayaa sidaa yiri.

“Laakiin ma daawan doono kulanka, waayo waa Tamar/Energy lumis marka aad kubbada la dooneyso goolka kale uun.

“Waxba kama qaban karo kulanka, waxaa laga yaabaa inaan Taleefankeyga meel iska dhigo dhowr saacadood dabadeedna aan fiiriyo. Wax fikirad ah kama heysto waxa aan sameyn doono inta ay ciyaartaasi socoto.

“Laga yaabee inaan bannaanka u aado maqaaxi aan cunno ka soo cuno.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More