Xiddig Tuchel Nacay Oo Chelsea Ka Tagaya, Waxa Ka Cusub Heshiiska Mess

Barcelona ayaan wali wax dalab ah oo ay heshiis cusub kaga doonayso u gudbin Lionel Messi oo qandaraaskiisii hore dhammaadka xilli ciyaareedkan dhacayo. (Marca)

Wadahadalada u dhaxeeya Barcelona iyo Ousmane Dembele ee heshiis kordhinta ayaan ahayn kuwo horumar leh iyadoo qandaraaska xiddiga French-ka ahi uu June 2022 ku eeg yahay. (Sport – in Spanish)

Paris St-Germain tababaraheeda Mauricio Pochettino ayaa ku rajo weyn in 22 sano jirka kooxdiisa ee Kylian Mbappe uu heshiis cusub u saxeexi doono kooxda. (Goal)

Alexandre Lacazette ayaa sheegay in go’aanka uu heshiis cusub ugu saxeexayo kooxdiisa Arsenal uusan ahayn mid isaga kaligii ku xidhan xilli heshiiskiisa haddu yahay mid dhacaya 2022. (Mirror)

Leicester iyo West Ham United ayaa xiisaynaya saxeexa 23 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Chelsea ee Tammy Abraham oo laga saaray liiska xiddigihii Man City kahor tagay Sabtidii una muuqda mid aan qorshaha Thomas Tuchel ku jirin. (Guardian)

RB Leipzig ctababaraheeda Julian Nagelsmann ayaa sheegay inuusan wadahadalo la yeelan Bayern Munich oo doonaysa inay bedel uga dhigto Hansi Flick oo dhammaadka xilli ciyaareedkan ka tagaya. (Goal)

Inter Milan ayaa xiisaynaysa inay Chelsea kala wareegto saxeexa 26 sano jirka daafaca bidix ee Emerson Palmieri. (Todofichajes – in Spanish)

Goolhayaha kooxda Juventus ahna xiddigii hore ee Arsenal ee Wojciech Szczesny oo 31 sano jir ah ayaan dhammaadka xilli ciyaareedkan Juve ka tagi doonin si uu Tottenham ugu biiro. (Goal)

AC Milan agaasimaheeda Masarra ayaa sheegay in kooxdu ay heshiis cusub ka saxeexanayso Zlatan Ibrahimovic oo 39 sano jir ah sidoo kalena sheegay inuu ku rajo weyn yahay in goolhaye Gianluigi Donnarumma iyo Hakan Calhanoglu ay qandaraasyo cusub qalinka ku duugi doonaan. (DAZN, via Football Italia)

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More