Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Oo Kusii Jeeda Premier League,

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay bisha January iibiso laacibkeeda khadka dhexe ee Isco oo lala xidhiidhinayo kooxo ka dhisan waddanka Ingiriiska, halkaas oo looga gacan haadinayay tan iyo xagaagii.

Los Blancos ayaa diyaar u ah inay ka takhalusto xiddigaha aan waxqabadka badan lahayn ee mushaharka oo kaliya u jooga kooxda, si ay iskaga fudaydiso culayska lacageed ee ay ku hayaan.

Gareth Bale ayay hore Real Madrid amaah ugu siisay Tottenham oo ay ugu dartay Sergio Reguilon oo ay si rasmi ah uga iibisay, laakiin laacibka reer Colombia ee James Rodriguez oo xagaagii u wareegay Everton, walina aan la garanayn ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyey horyaalka Premier League, isla markaana ah xiddigaha ugu saamaynta badan leh xili ciyaareedkan.

James Rodriguez ayaa bandhigga uu ka sameeyey Premier League waxa uu keenay inuu soo jiito dareenka laacibiinta Real Madrid uu kaga yimid ee marxaladdiisii oo kale ku sugan, isla markaana ciyaar la’aantu hayso, waxaana uu u gacan haadinayaa Isco oo ay mar ku wada dhibaataysnaayeen kursiga kaydka Los Blancos.

Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti ayaa isaguna doonaya inuu helo laacibkan reer Spain oo uu hore ugu soo layliyey Camp Nou waqtigii uu tababaraha ka ahaa.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayaa ugu dambayn ogolaatay inay Everton ka iibiso Isco haddii ay la shir timaaddo lacag dhan 20 milyan oo Euro oo kaliya.

Warku wuxuu intaa ku daray in Isco oo ay hore Real Madrid ugu soo iibsatay 30 milyan oo Gini uu qiimihiisu si weyn dhulka u galay marka la eego halkii uu suuqa iibka ciyaartoyda ka taagnaa sannadkii 2018 oo ahayd 60 milyan oo Euro.

Heshiiska Isco uu kula jiro Real Madrid oo ku eg badhtamaha sannadka 2022 ayay Real Madrid doonaysaa inay sii iibiso ka hor inta aanu laacibkani ku qasbin in la iibiyo xagaaga soo socda, haddii kalena uu sannad kaddib si bilaash ah uga tegi doono.

Tababare Zinedine Zidane ayuu warku xusay inuu diyaar u yahay inuu ku fasaxo laacibkan qiimahan, iyadoo geesta kalena ay kooxda reer Spain ee Sevilla ay xiisaynayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More