Xiddig ka tirsan Chelsea oo ku dhow inuu ku biiro koox ka dhisan

(London) 24 Agoosto 2022. Ciyaaryahanka Kooxda kubadda cagta Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro koox ka dhisan dalka Jarmalka.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa warinaya in Kooxda Bayer Leverkusen ay ku dhowdahay inay heshiis amaah ah uga soo qaadato Chelsea, ciyaaryahanka Callum Hudson-Odoi.

Labada kooxood ayaa wadahadallo horumar leh ka yeeshay suurtagalnimada uu 21-sano jirkaan heshiis amaah ah ugu biiri karo naadiga ka dheesha horyaalka Bundesliga Jarmalka.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay in kooxaha Bayer Leverkusen iyo Chelsea ay ku heshiisnayaan inay kala qeybsadaan mushaharka uu qaatan qaato todobaadkii xiddiga xulka qaranka England ee ah 100 kun oo gini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More