Xiddig Arsenal Ah Oo U Wareegay Atletico Madrid Xilli

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torriera ayaa heshiis amaah ah ugu wareegay kooxda Atletico Madrid iyadoo labada kooxood ay heshiiska qalinka ku duugeen saacadihii ugu danbeeyay.

Xiddigaan ayaa maalmo ka hor tijaabada caafimaadka u maray Atletico, laakiin kooxda reer Spain ayaa sugeysay inay ciyaartoy iibiso ka hor inta aysan ku dhawaaqin saxiixiisa.

Waxaana caawa lagala wareegayaa xiddiga khadka dhexe Thomas Partey kaasoo ku biiraya kooxda Arsenal ka dib markii ay bixisay lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Heshiiska amaahda ee Lucas Torreira wax xiriir ah lama lahan heshiiska ay Arsenal kula wareegeyso xiddiga reer Ghana madaama heshiiskaan amaahda uu soo socday muddo isbuucyo ah.

Thomas Partey ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Arsenal halka Gunners ay sidoo kale heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa iyadoo lacag saxiix ah siinaya wakiilkiisa.

Sidoo kale Arsenal waxay maamulka La Liga oo wakiil ka ah Atletico Madrid u gudbisay lacagta lagu burburinayo qandaraaskiisa Atletico oo gaareysa 50 milyan euro madaama aysan u baahneyn inay wadahadal kala yeeshaan Atletico.

Waxaa haatan harsan kaliya in dukumiintiyada la saxiixo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More