Xavi oo farriin cad u diray César Azpilicueta – FM

(Barcelona) 25 luulyo 2022. Tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa farriin cad u diray xiddiga ay isku dalka yihiin ahna kabtanka kooxda Chelsea ee César Azpilicueta, taasoo ku saabsan inuu raadiyo saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaaga ee hadda socda.

Barcelona ayaa xilliyadii la soo dhaafay lala xiriirinayay saxiixa César Azpilicueta, si ay dib ugu soo celiso awooda daafaceeda laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, ciyaaryahanka ayaana durba rajaynaya inuu xaliyo dhammaan arrimaha mustaqbalkiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Azpilicueta ayaa doonaya inuu ku biiro Barcelona isagoo og in Chelsea ay diiday isku daygii ugu horreeyay ee Barca ay ku dooneysay ciyaaryahanka 4 million euros.

Wargayska AS ee ka soo baxa Spain ayaa tilmaamay in Xavi uu u balan qaaday César in aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin heshiiska ay Barca kula soo saxiixaneyso Jules Koundé, iyadoo ay xusid mudan tahay in kooxaha Chelsea iyo Barcelona ay ku dagaalamayaan daafac Seville.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More