XASAASI: Xaalada Dhaawac Ee De Bruyne Oo Xog Laga Helay, Haddii Uu

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa laga cabsi qabaa inuu gaadhay dhaawac jabniin dhinaca canqawga ah intii uu socday kulankii ahaa afar dhammaadka FA Cup ee ay guuldarrada 1-0 ka ah kala kulmeen dhigooda Chelsea oo ay Wembley Stadium isku arkeen.

29 sano jirkaas ayaa si aan miisaan fiican lahayn dhulka ugu istaagay kaddib markii ay isku dhaceen kubad dilaha Chelsea ee N’Golo Kante taas oo keentay inuu lugta midig wax ka noqdo.

De Bruyne ayaa dhaawac uga baxay kulankaas isla markaana mari doona baadhitaano balse natiijooyinka ayay macquul tahay inaysan kuwo sax ah oo laga qiyaas qaadan karo noqon maadaama oo canqawgu uu barar joogto ah samaynayo.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ahi, Kevin ayaa ugu badnaan mudo bil ah ka maqnaan kara garoomada walow ay kooxdiisu rajaynayso inuu dhaawac iska sahlan noqdo dhaawaciisu.

Inay dhaawac ku waayaan xiddigaha ugu muhiimsan kooxdooda iyadoo heerkan marayo xilli ciyaareedku isla markaana ay wali saddex koob boos fiican u joogaan ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa Sky Blues.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa u safraysa Aston Villa Arbacada iyaga oo doonaya inay hoggaankooda horyaalka oo 8 dhibcood lagu soo koobay sii dheeraystaan kahor inta aysan Axada Wembley Stadium kula kulmin Tottenham oo ay Final-ka Carabao Cup wada ciyaarayaan.

Kaddib ciyaarta Spurs, waxa usoo raaci doona kulanka lugta koowaad ee Champions League afar dhammaadkiisa ee ay 28-ka bisha PSG ku booqanayaan Parc des Princes.

Bernardo Silva ayaa la filayaa inuu doorka kubad sameeyaha kooxda lasii wareegi doono bishaas, xiddiga ree Portugal ayaa booskaas kasoo dhalaalay isaga oo Ilkay Gundogan kala ciyaarayay mudo bil ah oo uu horeba De Bruyne u maqnaa.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More