XASAASI: Mbappe Oo Laba Shuruudood Ku Xidhay Inuu PSG Sii Joogo,

Sida uu sheegayo wargeyska AS, mustaqbalka da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa ah mid aan la ogayn halka uu ku dambayn doono iyadoo Neymar oo muhiimada koowaad u ahaa kooxdu uu heshiis kordhin sameeyay.

Bruno Satin oo ah mid kamida wakiilada aadka loogu xidhan yahay ee French-ka ah oo ka hadlay xaalada Mbappe ayaa sheegay in warar uu helayaa ay yihiin in 22 sano jirkaasi uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Madrid.

Satin ayaa sheegaya in PSG aysan u ogolaan doonin Mbappe inuu baxo xagaagan isla markaana ay ka doorbidayaan inay qaab bilaash ah ku waayaan xagaaga sanadka dambe ee 2022 oo uu heshiiskiisu dhacayo.

Saxafi Bruno Satin ayaa intaas ku daraya in Mbappe uu xidhiidh la sameeyay Los Blancos oo ahayd kooxda uu doonayay inuu ku biiro mudo sanado ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya Paris ayaa sheegaya in Mbappe uu laba shuruudood ku xidhay inuu sii joogo Paris oo uu mustaqbalkiisa dhaw kooxdaas u hibeeyo.

Shuruuda koowaad ayaa ah inuu saxeexo qandaraas ilaa 2023 ah halkii uu heshiis ilaa 2025 ah u saxeexi lahaa halka shuruuda labaad ay tahay in kooxdu ay usoo bandhigto mashruuc guulo ay ku gaadhayso sanadaha soo socda oo uu ku qanco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More