XAQIIJIN: Premier League Oo Baadhitaan Ku Bilaabay Manchester United &

Premier League oo kaashanaya xidhiidhka kubadda cagta FA ayaa baadhitaan ku bilaabay kooxda kubadda cagta Manchester United, kaddib qalalaasihii shalay ka dhashay garoonka Outdated Trafford ee sababta u noqday in ay baaqato ciyaartii Manchester United iyo Liverpool.

Sida uu xaqiijiyey wargeyska Day by day Mail, P;remier League iyo xidhiidhka FA ayaa bilaabaya baadhitaan la xidhiidha wixii dhacay, waxaana miiska saaran tallaabooyin ciqaab ah oo Manchester United la marsiin doono.

Taageereyaasha ayaa ka mudaharaadayey go’aankii ay kooxdu kaga mid noqotay tartanka fashilmay ee Tremendous League, kaas oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen Manchester Metropolis, Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Tottenham.

Laakiin kooxaha kale ayay mudaharaadeyaashoodu iska degeen, mana dhicin in ciyaar ay u baaqato.

Wargeyska Day by day Mail waxa uu sheegay, in haddii Manchester United lagu helo, in ay sabab dhinaceeda ka timid ku kaceen taageereyaashu, kaddibna ay ciyaartii Liverpool ay ku martigelin lahaayeen u baaqatay sababtaas darteed, in kooxdu waajihi doonto ciqaab adag.

Manchester United ayaa lagu helayaa qodobka K14 oo dhigaya, in kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayo ay xaqiijiso, in ciyaartoyda iyo garsooreyaashu ay garoonka ku yimaaddaan si nabadgelyo ah, kanaga baxaan si nabad-gelyo ah, isla markaana garoonka lagu ciyaarayo uu noqdo deegaan badqab ah.

Qodob kale oo Manchester United ay ku dhacayso ayaa waxa uu yahay K13 oo dhigaya, in albaabada ay ciyaartoydu ka gelayaan garoonka iyo aagga baabuurta la dhigtaba ay joogaan boolis ku filan oo ammaanka suga.

Xidhiidhka FA ayaa iyagana sharcigooda, gaar ahaan qodobka E20 uu leeyahay, kooxaha ayaa ka masuul ah taageereyaashooda, waxaana lagu ciqaabayaa fadqalalo kasta oo ay ku kacaan, hab-dhaqan aan habboonayn, aflagaaddooyin amaba ficillo aan anshaxa lid ku ah, sida in ay walxo soo tuuraan.

Qodobkan u dambeeya ayaa isagana lagu helayaa Manchester United.

Xidhiidhka FA ayaa guddi baadhitaan u saaraya dhacdooyinkii Outdated Trafford iyo bannaankiisa ee shalay, waxaanay guddidaasi warbixinta kusoo celin doonaan maamulka oo ugu dambaynta gaadhi doona go’aan ciqaabeed.

Sidaas oo kale ayaa waxa iyaguna samaynaya maamulka Premier League.

Wargeyska Day by day Mail waxa uu intaa ku daray, in Manchester United ay u badan in laga jaro dhibco laakiin ma caddaynin in ay yihiin saddexdii dhibcood ee ciyaartan oo ay suurtogal tahay in lagu wareejiyo Liverpool iyadoo ciyaartana sidaa lagu kansalayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More