Wixii Lagu Xaman Jiray Bayern Munich Oo Xaqiiqo Noqday &

3

Kubad sameeyaha kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho ayaa markale si dadban uga markhaati ah awooda jidh ahaaneed ee ay Bayern Munich oo uu sanad amaah kula soo joogay kasoo dhisto xiddigaha kooxdeeda.

Sida aad loogu hadal hayay baraha bulshada bilooyinkan ugu dambeeyay, Bayern ayaa aad u dhista jidh ahaan xiddigaha kooxdeeda iyadoo la samaynayay sawiro la isku bar-bardhigayay awoodoodii jidh ahaaneed ee hore iyo midii markii ay kooxdooda ku biireen.

Xiddiga horumarka jidh ahaaneed ee ugu layaabka badan sameeyay ayaa ah khadka dhexe ee Leon Goretzka kaas oo xilli ciyaareedkii 2018-19 ka baxay isaga oo caato ah balse 2019-20 dhammaystay isaga oo jidh ahaan aad u dhisan.

Haatan sidaas si lamid ah waxa isbedel soo sameeyay Coutinho oo sanad kusoo qaatay Allianz Stadium, tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shaaca ka qaaday inuu Philippe afar Kilogram oo murqo ahi ku kordheen dhawaan.

Tababare Tite ayaa yidhi “Waxa jira wax ay tahay inaad maskaxda ku haysid, Coutinho waa ciyaaryahan aad ay uga go’antahay dhinaca awooda jidh ahaaneed”

“Tani xataa waxa ay sii korodhay kaddib wakhtigiisii Bayern Munich halkaas oo ay shan Kilogram jidhkiisa ku biireen, afar Kilogram oo kamid ahi waa culays muruq, isagu wax badan ayuu horumaray jidh ahaan”

Intii ay socotay bishii October, Philippe Coutinho ayaa kasoo muuqday labadii kulan ee xulka qaranka Brazil la ciyaareen Bolivia iyo Brazil.

Sidoo kale tababare Tite ayaa u xushay Coutinho xiddigaha uga qayb galaya kulamada caalamiga ah ee ay dhawaan kaga hortagi doonaan Venezuela iyo Uruguay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More