“Way tartami doonaan xilli ciyaareedka soo socda” – Klopp oo

(Liverpool) 03 Luulyo 2022. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay awooda kooxda Chelsea, isagoo carabka ku adkeeyay inay awood u leeyihiin inay u tartamaan Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Liverpool ayaa wajahday Chelsea 4 jeer xilli ciyaareedkii hore, laba jeer oo horyaalka ah, iyo laba jeer oo finalka Carabao Cup iyo FA Cup ah.

Mana jirin labada koox mid adkaatay waqtigii caadiga ahaa ee loogu talagalay ciyaarta, waxayna Liverpool si isku mid ah labada kulanba ku adkaatay rigoorayaal.

Haddaba SportSkeeda ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Klopp, wuxuuna si cad u sheegay in Chelsea ay u tartami doono Premier League xilli ciyaareedka soo socda, wuxuuna yiri:

“Markii aan la ciyaarnay Chelsea hal kulan ma aanan badin, taasna kama dhigneyn sababa la xiriira inaan xumeyn maalin kaas, runtii ma aanan fiicneyn kulamadan.”

“Ugu dambeyntii waxaan ku guuleysanay rigoorayaal, laakiin 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ma aanan awoodin, tanina waxay muujineysaa in Chelsea ay tahay koox xoogan.”

Waxaa xusid mudan in Chelsea ay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee horyaalka Premier League, waxayna uruursatay 74 dhibcood, halka Manchester City, iyo Liverpool ay ku kala dhammeysteen kaalmaha koowaad iyo labaad sida ay u kala horreeyaan kuwaasoo ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kilammada isbuucii la soo xiraayay horyaalka tartanka sii waday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More