“Waxaan ku baray adduunka, waan ku abuuray

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa xalay kula guuleystay kooxda Paris Saint-Germain koobka Trophee des Champions (French Supercup), bedel ahaanna wuxuu dhaliyay rigoore daqiiqadii 85-aad.

Kulankii ka dhacay Bollaert-Delelis ee magaalada Lens, PSG ayaa 2-0 ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Marseille.

Mauro Icardi ayaa daah furay goolasha kooxdiisa kahor inta uusan Neymar badal kusoo galinin hogaankiisa waxayna guushani ahayd koobkii uguhoreeyay ee Mauricio Pochettino la qaado kooxda PSG mudo 11 maalmood ah oo kaliya.

Marka laga soo tago guushii PSG iyo dabaaldega koobkii, ciyaartii dhex martay Neymar iyo ninkii ay xafiiltami jireen ee hore Alvaro Gonzalez ayaa dib loo bilaabay, taas oo xalay mar kale isku dhacday.

Neymar ayaa ku eedeeyay Gonzalez inuu cunsurinimo kula kacay isaga intii lagu guda jiray kaarkii casaa ee bishii November, baaris ay sameeyeen xiriirka kubada cagta France ayaana wax cadeyn ah helin

Neymar oo kaliya ciyaaray 25 daqiiqo kulankii shalay ayaa ku maadeystay Gonzalez wuxuuna adeegsaday baraha bulshada si uu u xaqiro.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u sheegay Gonzalez baraha bulshada inuu magac ku yeeshay baraha bulshada wuxuuna intaa ku daray inuusan ilaawin inuu koob qaado.

“HE-HE … Ma caadi baa Alvaro? Ha iloobin in aan koob kaa qaaday oo aan caan kaa dhigay. Ku soo dhowow bulshada caanka ah. Ayuu yidhi Neymar.

Gonzalez ayaa ku jawaabay, “Waalidkay waxay i bareen sida loo tuuro qashinka. Adiguna waxaad tahay qashin. “

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More