“Waxaad been u sheegeysaan si aad faa’iido u heshaan” – Ronaldo

(Manchester) 29 luulyo 2022. Xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa ka baxay aamusnaanta, kaddib dooda ka taagneyd codsigiisii ahaa inuu kooxda ka tago xagaagan.

Warbixino dhowr ah ayaa lagu xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uu go’aansaday inuu isaga tago qalcadda Red Devils xagaagan, kaddib xilli ciyaareedkii masiibada ahaa ee kooxda ay qaadaty, isla markaana ay lumisay fursad ay ku ciyaari lahaayeen Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Haddaba Ronaldo ayaa ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee Instagram:

“Suurtagal maaha in aadan hal maalin iga hadlin, haddii kale saxaafaddu lacag ma sameyn doonto.”

“Si fiican baad u garanaysaan, haddaadan been sheegin, ma maarayn kartaan inaad dareenka dadka soo jiidato.”

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa fariintiisa ku soo gabagabeeyay hadal jees jees ah oo ku socda warbaahinta:

“Ku socda, laga yaabee in maalin uun aad ku guulaysataan faafinta war sax ah.”

Qandaraaska Ronaldo ee Red Devils wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, laakiin wuxuu joojiyay tababarka kooxda tan iyo bilowgii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More