“Waxaa jiray been badan oo la iga faafiyay” – Lewandowski oo

(Munich) 30 luulyo 2022. Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa ka hadlay ka tagistiisa Bayern Munich iyo imaanshihiisa Barcelona, ​​wuxuuna sheegay in kooxda Bavarian-ka ay daggaal la gashay si ay qiil uga dhigto inay ka iibiso Barcelona.

Weeraryahanka reer Poland ayaa wareysi uu siiyay ESPN, wuxuu ku xaqiijiyay in been abuur badan laga faafiyay isaga, inkastoo uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay waayihiisa cusub ee xirfadiisa ciyaareed garoonka Camp Nou.

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Hadda waxaan dareemayaa meesha saxda ah.”

“Wixii dhacay todobaadyadii la soo dhaafay kahor inta aanan ka tagin Bayern waxa ay ahayd mid siyaasadeed.”

“Kooxda waxay isku dayday inay ila daggaalanto, si ay marmarsiyo ugu hesho iibkayga, sababtoo ah way adkeyd inaan u sharaxo iyaga, taageerayaasha… waana inaan aqbalo tan xitaa haddii ay jiraan been badan, laakiin waan ogahay in taageerayaasha ilaa hadda aad bay ii taageersan yihiin.”

“Dadka qaar runta ma sheegin..wax ka duwan ayay sheegeen, aniga mar walba waxay ii ahayd muhiim inaan caddeeyo oo aan daacad noqdo.. waxaana laga yaabaa in tani ay dhibaato ku tahay dadka qaar.”

Robert Lewandowski ayaa sharaxay in ugu dambeyntii uu gartay in la joogo waqtigii ku haboonaa inuu ka tago oo uu ku biiro kooxda Barcelona, ​​oo uu doonayo inuu tijaabiyo loolan cusub oo xirfadiisa kubadda cagta ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More