Waxa Walaalo Yihiin Ciyaartoy Tottenham Ah, Vincent Kompany Ayaa

Waxa laga sheekaynayaa qisada wiilka da’da yar ee ay Arsenal saxeexiisa ka shaqaynayso ee Albert Sambi Lokonga, kaas oo ay warbaahinta Belgium tilmaamayaan inuu wax badan kusoo kordhin doono Gunners oo kaliya shaacintii heshiiskiisu dhiman tahay.

Albert Sambi Lokonga waa 21 jir u dhashay waddanka Belgium oo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaaryahannada layaabka leh ee beryahan dambe lagu arkay horyaalka Belgian First Division A, waxaanu kasoo dhex baxay kooxda Anderlecht oo uu hormood u yahay.

Arsenal ayaa la fahamsan inay mar horeba dhamaystirtay heshiiska laacibkan, laakiin uu u baahan yahay inuu galo karantiil iyo tijaabada caafimaadka oo uu maro ka hor inta aanay Gunners sida rasmiga ah ugu dhawaaqin heshiiskiisa.

Lokonga ayay Arsenal ku iibsanaysaa lacag dhan £15 milyan oo Gini, balse waxa ku kordhi doona illaa £3 milyan oo kale oo dheeraad ah marka uu laacibkani si buuxda u saldhigo Emirates Stadium, isagoo qalinka ku duugaya heshiis shan sannadood ah.

Wargeyska kasoo baxa waddanka Belgium ayaa sheegay in Lokonga uu u xidhan doono Arsenal No.48, waxaana layaab ah inuu isagu dalbaday lambarkan sababtoo ah waa cinwaankiisa boostada ee magaalada Verviers oo laba EBER laga jaray [4800].

Laacibkan ayay walaalo yihiin Paul-Jose M’Poku  oo sannadkii 2008 usoo guuray magaalada London isagoo 16 jir ahaa kuna biiray Tottenham, laakiin isaga oo aan hal ciyarna u safanin lagu bixiyey amaah saddex sannadood kaddib, haddana waxa uu joogaa Leyton Orient.

Albert Sambi Lokonga ayaa waxa aad u jecel halyeygii Manchester City ee Vincent Kompany oo tababare usoo noqday laacibkan, waxaanu sheegay in uu yahay ciyaartoy ka weyn inta da’diisa, isla markaana diyaar u ah inuu u ciyaaro xulka qarankiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More