“Wax dhibaato ah kuma qabi doono Ronaldo haddii uu ku biiro koox

(Engladn) 29 luulyo 2022. Haleeyga halyeyga Premier League ee Gabriel Agbonlahor ayaa muujiyay fikirkiisa ah in Cristiano Ronaldo uusan dhibsan doonin inuu u ciyaaro koox ay xafiiltamaan Manchester United haddii lavatory baahdo.

Waxaana wararku ay xaqiijinayaan in Cristiano Ronaldo uu go’aansaday inuu isaga tago qalcadda Red Devils xagaagan, kaddib xilli ciyaareedkii masiibada ahaa ee kooxda ay qaadaty, isla markaana ay lumisay fursad ay ku ciyaari lahaayeen Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay SportSkeeda, haleeyga halyeyga Premier League ee Gabriel Agbonlahor, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Cristiano Ronaldo wuxuu ku biiri doonaa Liverpool xagaagan haddii uu awoodo.”

“Ronaldo waxa uu aadi doonaa meel kasta oo uu kaga sii ciyaari karo Champions League, wuxuu sii wadi doonaa rikoorkiisa iyo ku guuleysiga koobab, uma malaynayo in Ronaldo uu daacad u yahay United, Real Madrid ama Juventus.”

Yeelkeeda, Ronaldo ayaa xagaagii hore ku soo laabtay Manchester United isaga oo kaga soo biiray Juventus, tan iyo markaas waxa uu kooxda matalay 37 kulan oo tartamada oo dhan ah, isagoo u dhaliyay 24 , wuxuuna caawiyay 3 kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More