“Wax Coke Ahi Ma Yaalaa?” – Xiddig Kaftan Ka Sameeyay Diidmadii

Khadka dhexe ee xulka Scotland iyo kooxda Aston Villa ee John McGinn ayaa kaftan ka sameeyay diidmadii uu dhawaan Cristiano Ronaldo u muujiyay sharaabka shirkadda caanka ah ee Coca-Cola.

Cristiano oo caan ku ah inuu aad ugu waalan yahay arrimaha caafimaadka la xidhiidha ayaa laba quraaradood oo Coca-Cola ah iska hor qaaday shir jaraa’id oo uu dhawaan qabanayay isaga oo u sheegay saxafiyiinta inay cabitaanka biyaha badsadaan.

Iyadoo ay boggaga hore ee saxaafada qabsadeen ficiladii uu Ronaldo kula kacay cabitaankaas oo shirkada samaysa ay kamid tahay kuwa maal-gelinaya tartanka Euros ayuu markale John McGinn sameeyay arrin kaftan ah oo la xidhiidha.

McGinn ayaa markii uu fadhiistay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka xulkiisa Scotland Wembley kula ciyaarayo England ayaa yidhi “Wax coke ahi ma yaalaa?” isaga oo qoslaya.

Hadalka John McGinn ayaa ahaa mid ka qosliyay saxafiyiin badan oo goobta fadhiyay walow uu ugu dambayn cabay caagadiisa biyaha ah.

Ololahan lagaga soo horjeedo shirkaddaha maalgelinaya Euro oo uu bilaabay Ronaldo ayaa sii socda, xalay ayay ahayd markii Manuel Locatelli oo xulka Talyaaniga guul ku hoggaamiyay uu sidoo kale qaaday isla Coca-Cola oo uu hortiisa ka qaaday.

Sidoo kale xiddiga xulka France ee Paul Pogba ayaa isaguna iska hor qaaday dhalada Heineken walow ay iyadu khamri tahay oo uu sababo Islaamnimo iskaga fogeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More