WARKII LA SUGAYAY: Xiddigii Benzema Looga Ganaaxay Xulka France Ee

Sannadkii 2015 ayaa Mathieu Valbuena laga duubay cajalad xilli uu samaynayay gogol-dhaaf, waxaana dadkii shirqoolka u dhigay ay ugu hanjabeen in ay baahin doonaan muuqaallada haddii uu bixin waayo lacag.

Karim Benzema oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen Mathieu Valbuena ayaa ay lasoo xidhiidheen budhcaddii arrintan samaysay, waxaana uu weeraryahanka reer France isku dayay in uu arrinta dhexdhexaadin ka galo oo uu qaab odayaysan ku dhameeyo, hase yeeshee arrinta ayaa isaga isku rogtay.

Mathieu Valbuena ayaa ku eedeeyey Karim Benzema in uu qayb ka yahay shirqoolka, waxaanu u dacwooday booliska oo iyaguna soo xidhay qoladii cajaladda duubtay, halka Benzema lagu bilaabay baadhitaan, dhowaanna uu maxkamadda kasoo hormuuqan doono.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa waqtigaas xulka ka caydhiyey Benzema, umana ciyaarin muddo shan sannadood iyo badh ah, hase yeeshee toddobaadkan ayaa dib loogu soo celiyey, iyadoo aanay wali maxkamaduhu soo afjarin kiiskan.

Karim Benzema ayaa bandhig cajiib ah ka samaynayay Actual Madrid tan iyo waqtigii xulka laga caydhiyey, waxaana uu kula guuleystay saddex Champions League, laba horyaal oo LaLiga ah iyo koobab kale oo tiro badan, iyadoo uu noqday xiddiga ugu muhiimsan kooxda tan iyo 2018 markii uu Cristiano Ronaldo ka tegay.

Kaddib markii uu Deschamps ku dhawaaqay liiska xulka qaranka France maalintii Salaasada, uuna kasoo dhex-muuqday Karim Benzema, waxa la sugayay waxa uu Mathieu Valbuena ka yidhaahdo, ugu dambayntiina maanta ayuu hadlay laacibkan khadka dhexe oo isaguna sannadihii ugu dambeeyey aan ku jirin xulka.

Warbaahinta RMC ayaa la hadashay Mathieu Valbuena, waxaana la weydiiyey sida uu u arko in Karim Benzema lagu soo celiyo xulka qaranka xilli uu wali rumaysan yahay in uu qayb ka ahaa shirqoolkii bathroom dhigay, waxaanu ku jawaabay: “Haddii Benzema uu wax badan u keeni karayo xulka France, means u wanaagsan tahay isaga. Garoonka gudihiisa ayay noqonaysaa halka uu ka ciyaarayaa.

“Tababaraha ayaa iska leh dookha (xulashada Benzema). Aniga aragtidayda, Didier wuxuu noqon doonaa mis ku guuleysta kiisaska oo dhan. Haddii kooxda Faransiisku shaqayso, waxaanu sheegi doonaa in uu awood u yeeshay in uu la qabsado, haddii ay guul-darraystaana ma eedayn doono.

“Isaga (Deschamps) ayaa yaqaana sida uu liiskiisa u samaynayo, xariif ayaanu ku yahay. Miyuu isoo wacay oo uu ii sheegay go’aankiisa Benzema? Maya, anigu waxba kama filayn Didier, qof kalena kama filayn. Maanta, anigu nolol ayaan samaystay, waxa aan ku madadaashaa garoonka dhexdiisa. Wax kale kama odhanayo arrintan.”

Mathieu Valbuena oo hore ugu soo ciyaaray kooxaha Marseille, Lyon iyo Fenerbahce ayaa isagana ay fadeexaddani ka galaafatay xulka qaranka, lagumana soo darin ciyaarihii Euro 2016 iyo wixii ka dambeeyey, sida Benzema ayaanay 2015 ugu dambaysay.

“2016kii ayuu Didier isoo wacay, waxaanu ii sheegay in aanu igu darayn xulka qaranka Euro 2016 sababo isboorti dartood… waan door bidayaa in sababo isboorti darteed la ii caydhiyey. Laakiin marka aad maanta aragto iyadoo bathroom yeedhay ciyaartooyo kulamo aad u yar u saftay kooxahooda, waxa aad naftaada weydiinaysaa in uu jiro sharci adiga gooni kuu ah oo kuwa kalena si kale u ah.

“Aniga ii sheegin in ay tahay sababo isbooti, sababtoo ah taasi dhaawac iyo niyad-jab ayay igu keenaysaa…”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More