Wargeyska Marca Oo Xaqiijiyey In Manchester United & Real Madrid Ka

Raphael Varane ayaa waqti horeba waxa uu heshiis shaqsi ah la gaadhay Manchester United, waxaana arrintaas si fiican ula socotay oo ogsoonayd kooxdiisa Real Madrid. Sidaa waxa qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, una janjeedha dhinaca Real Madrid.

Wargeyska ayaa xaqiijiyey in hadda ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada kooxood oo ay kaga wada-xaajoonayaan qiimaha ay ku kala iibsanayaan.

Real Madrid ayaa la sheegay in ay soo diidday dalab ay Manchester United u gudbisay, laakiin warkan cusub ayaa sheegaya in ay labada kooxood u socdaan wada-hadallo meel fiican maraya oo waqti hore bilowday.

Red Devils ayaa doonaysa in qiimaha hoos looga dhigo, halka Real Madrid ay dalbanayso illaa 50 milyan oo Euro, taas oo qiyaas ahaantii illaa 5 milyan oo Euro ka sarraysa intii hore loo sheegay in Man United ay ku dalbatay laacibkan.

Varane ayaa toban sannadood u ciyaarayay Real Madrid, waxaana uu hadda gelayaa sannadkiisii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa, xilli ay muuqato in aanu sii joogayn Santiago Bernabeu.

Laacibkan ayaa iska diiday in uu saxeexo heshiis cusub, inkasta oo uu kusoo laabtay tababarka oo uu isku diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub, waxaana uu ku cadaadinayaa in ay iibiyaan, si inta ka  hadhay cimrigiisa ciyaareed uu usoo tijaabiyo horyaallo kale.

Real Madrid ayaa dhinaceeda u baahan lacag kaash ah oo ka furdaamisa  dhaqaale xumada ku habsatay iyo iyadoo dhinaca kalena iska ilaalinaysa in uu Varane kaga tago si bilaash ah, sidii Sergio Ramos oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More