WARBIXIN XIISO BADAN: Qoys La’aan Ayuu Ku Yimid Talyaanig, Habeen

Jorginho wuxuu ku guuleystay Champions League, waxaanu kaabiga u saaran yahay Euro 2020 oo uu taagan yahay finalka, waxaana England oo ay garaacaan ay usoo xidhaysaa xilli ciyaareed cajiib ah.

Xiddigan khadka dhexe ayaa ah adhaxda kooxda tababare Roberto Mancini ee iyagooin hal marna laga badinin soo gaadhay finalka. Bandhiggiisa ciyaareed wuxuu ahaa mid sida iftiinka u baxayay illaa maalintii ugu horreysay ee tartanka la bilaabay, kubaddiisuna iyada ayaa hadlaysay, waxaanay taasi keentay in hadda uu hormood u noqdo xiddigaha loo saadaalinayo abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Guul ay Axadda ku gaadhaan garoonka Wembley oo ay xulka England ku garaacaan, waxay Jorginho u noqonaysaa guul shaqsiyaad oo gaar ah iyo safarkii dheeraa ee uu soo galay aanu ku dhamaanin qalbi-jab.

Taageereyaal badan oo la dhacsan qaab ciyaareedka laacibkan, sidoo kalena fiirsanayay qaabkii cajiibka ahaa ee uu u laaday rikoodhihii ugu dambeeyey ee xulka Spain uu ka dhaliyey, waxay mooggan yihiin qisadii carruurnimo ee laacibkan iyo safarka dheer ee uu usoo galay noloshiisa.

Jorginho waa Brazilian ku dhashay Brazil. Waxa uu dalkiisa asalka ah ku noolaa illaa ay da’diisu gaadhaysay 15 jir. Wuxuu usoo safray waddanka Talyaaniga isaga oo aan wali ka bixin da’da 15 jirka, waxaanu ku koray guri yar  oo ku yaalla magaalada Verona. Mar ayuu isku dayay in uu ka fadhiisto ciyaaraha oo uu gebi ahaanba joojiyo, laakiin hooyadii ayaa ka joojisay in uu sidaa sameeyo.

Riccardo Prisciantelli ayuu ahaa qofkii laacibkan khadka dhexe kusoo riday dariiqa saxda ah. Prisciantelli wuxuu ahaa agaasimaha kooxda Hellas Verona ee Talyaaniga. Sannadkii 2007 ayay Verona gashay qalalaase dhaqaale, laakiin Riccardo Prisciantelli wuxuu helay telefoon beddelay gebi ahaanba kubadda cagta Talyaaniga.

“Waxaan ku xasuustaa maalintaas si la mid ah maalmaha kale ee caadiga ah. Waxay ahayd 2007, waxaana ila soo hadlay ganacsade reer Verona ah oo ka shaqaysta South America, waxaanu iisoo bandhigay ciyaartooyo da’ yar ah.” Ayuu yidhi Riccardo Prisciantelli.

“Waxa aan u sheegay, in kooxdaydu aanay miisaaniyad  u haynin, laakiin haddii aad doonayso aad keeni karto Talyaaniga.” Ayuu ku daray Riccardo Prisciantelli.

Ganacsadaha Talyaaniga ah ayaa soo kexeeyey ciyaartooyo carruur ah oo keenay Talyaaniga, gaar ahaan magaalada Verona. Waxa ku jiray Jorginho oo ay da’diisu ahayd 15 jir. Safarka Brazil illaa Talyaaniga, ma jirin waalid ku wehelinayay Jorginho.

Si degdeg ah ayuu Jorginho saamayn ugu yeedhay Verona, laakiin may ahayn garoonka gudihiisa. Maadaama uu ahaa 15 jir aanay waalidkii la soconin sidoo kalena aan haysanin dhalashada Talyaaniga, waxa uu ku qasbanaa in uu joogo garoonka tababarka oo aanu dhinacna uga bixin, taasina dhibaato ayay ku noqotay.

Riccardo Prisciantelli ayaa xasuustay sidii ay xaaladdu ku ahayd Jorginho: “Aniga oo garoonka kusii socda ayuu isoo wacay gacan-yare, sababtoo ah wuxuu arkay wiilkan da’da yar (Jorginho) oo goysmo waalli ah samaynaya. Waxaanu usoo qaadnay tababarka iyo ciyaaraha kooxda.

“Muddo dheer ayay ku qaadatay inuu la qabsado. Kulama noolaan karaynin iskuul boodhin ah da’yarta kale. Waxa aan u geeyey baadari ku xigay oo siiyey sariir uu ku seexdo iyo cunto.

“Aniga ayaa lacagta siin jiray lacagta baadariga. Mar walba lacag umaan heli jiray balse waxa aan haddana usoo jeediyey inuu wax siiyo Jorginho. Waxa aan siin jiray €20 toddobaadkii ama €50 haddii aan karo. Rafael, goolhayaha koowaad ee xulka Brazil ayaa isaguna sidaas ahaa. Sidaas ayaan samaynayay si uu wax u barto, luuqadda u barto oo uu kubaddana u ciyaaro.”

Sidan ayuu kusoo koray Jorginho, waxayse reer Verona u yaqaanaan naanaysta ah ‘The Wolf of the Future’ ama ‘Yeyga mustaqbalka’.

Prisciantelli ayaa sheegay in qaab ciyaareedkiisa darteed ay dadku ugu yeedheen libaax ama yey, isla markaana aanu tababarka mar kaliya joojin jirin oo uu saddex jeer in ka badan ciyaartoyda kale uu isagu tababarka qaadan jiray.

Noloshan dhibaatada badan waxay gelisay Jorginho xaalad mugdi ah. Prisciantelli oo ka sheekaynaya ayaa yidhi: “Habeen kasta wuxuu ka dhex ooyi jiray qolkaas yar ee madow isagoo murugaysan, laakiin haddana marna ma rajo dhigin.

“Waxa aan usoo iibiyey qalab uu ku sameeyo jimcsi oo uu ku tago xarun jidh-dhis. Waxa uu iman jiray marka ay qorraxdu dhacdo illaa inta aanu u fasaxayno inuu tago.”

Sannadkii 2008 ayay wax walba isku beddeleen Jorginho markaas oo Verona uu tababare ka noqday Mauricio Sarri. Waxa uu usoo dallacsiiyey kooxda koowaad, kaddibna wuxuu u kaxaystay Napoli illaa ay mar kalena isku raaceen Chelsea sannadkii 2017.

Markii uu Sarri ka tegay Chelsea, Jorginho wuxuu baaqi kusii ahaaday Chelsea oo uu ka noqday tiir-dhexaad illaa uu gaadho heer loo saadaaliyo Ballon d’Or.

Waxay isla jaan-qaadeen N’Golo Kante iyagoo awood u yeeshay in ay finalkii Champions League burburiyaan Manchester City.

Bil iyo waxyar kaddib, Jorginho waa tiir-dhexaadka xulka qaranka Talyaaniga, waxaanu rajaynayaa in uu ku guuleysto Euro 2020 oo uu sii raacsado Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More