WARBIXIN: Hawl-galkii Ay Real Madrid Samaysay Xalay, Xiddiga Weyn Ee

Real Madrid ayaa xalay heshiis la gaadhay Manchester United oo ay ka iibisay difaaceeda Raphael Varane oo ay ku beddelatay 50 milyan oo Euro, waxaanu heshiiskaasi dhacay xilli uu laacibkani ku riixay kooxdiisa in ay iibiyaan maadaama uu diiday inuu saxeexo qandaraas cusub xilli 11 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka heshiiskii uu kula jiray Madrid.

Isla markii uu heshiiskani dhacay, Real Madrid ayaa qaadday tallaabo ay kaga farxinayso taageereyaasheeda, waxaanay indhaha ku jeedisay laacibka ay muddada dheer doonaysay ee Kylian Mbappe.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa magaalada Madrid ayaa sheegay, in Florentino Perez uu bilaabay hawlgal weyn oo ah sidii ay ku heli lahaayeen da’yarka reer France Kylian Mbappe oo lala xidhiidhinayay, kaas oo isaguna ku jira xaaladda Varane oo kale.

Lama filayo in Real Madrid ay saxeex samayso xagaagan, marka laga reebo Kylian Mbappe oo isagana ay ku xidhan tahay duruufta iyo qaabbilaadda ay kala kulanto PSG, maadaama ay jirto duruufo dhaqaale. Haddiiba ay soo baxdo fursad ay kula saxiixan karto Mbappe, Real Madrid ayaa u baahanaysa in ay iibiso ciyaartooyo kale oo aan kaliya ahayn Varane, si ay usoo saarto lacagtii ay la hor-tegi lahayd dhiggeeda PSG.

Real Madrid oo uu hore uga tegay Sergio Ramos, waxa u badbaadaya 15 milyan oo uu mushahar u qaadan jiray kabtankeeda hore, lamana rajaynayo in ay lasoo saxeexdaan beddelka Ramos iyo Varane, waxaanu Ancelotti adeegsan doonaa David Alaba oo si bilaash ah ugu yimid, Eder Militao iyo Nacho Fernandez, waxaana uu hal difaac oo afraad oo beddel ah kasoo qaadan doonaa da’yarta kooxda sida Victor Chust ama Mario Gila, halka uu jesus Vallejo isaguna noqon karayo beddel kaddib amaah uu kasoo noqday.

Ma jirto meel kale oo ay Real Madrid doonayso in ay ciyaartooyo ula soo saxeexato amaba ay lacag ku bixiso marka laga reebo Mbappe. Taasi waa sababta ay Lucas Vazquez u siiyeen heshiiska cusub iyadoo uu mushaharkiisuna yahay mid hooseeya marka loo eego lacagtii ay siin lahaayeen ciyaartoy cusub oo ay suuqa ka doontaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Real Madrid ay xaaladdeeda dhaqaale tahay mid wanaagsan marka la eego xilligan lagu jiro ee duruufaha adag uu sababay Fayraska Korona. Xataa waxay soo bandhigeen in sannad miisaaniyadeedkii u dambeeyey ay heleen faa’iido lacageed oo gaadhaysa 874,000 Euro oo xilli kooxaha kale ee waaweyn ee adduunyadu ay khasaare badan diiwaangeliyeen.

Marca waxa uu sheegay in Estadio Santiago Bernabeu la ogyahay inuu ka socdo dedaal weyn oo ay xagaagan u gelayaan saxeexa Mbappe, haddana dhibaatada jirta ayaa ah in Paris Saint-Germain aanay ogolaan doonin wax ka yar 180 milyan oo Euro, xataa iyadoo uu qandaraaskiisu dhacayo sannadka 2022. Haddii PSG ay diyaar u noqoto in ay iibiso Mbappe iyadoo lacagtaas sare ku xidhaysa, Real Madrid ayaa dib u fadhiisan doonta oo aan lahayn awood ay waqtigan ku bixiso lacag intaas le’eg, waxayse markaana ciyaarayaan door kale oo ah inay Mbappe ku riixaan inuu sii joogo sannadkan oo uu si bilaash ah ugu soo wareego 12 bilood kaddib.

Madaxweyne Florentino Perez ayay warbixintu sheegtay, in uu Mbappe u diyaariyey mushahar ka hooseeya midka uu PSG ku qaato, isla markaana uu siin doono illaa 20 milyan oo Euro sannadkii, laakiin uu haddana noqon doono ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda.

Tirada ciyaartoyda kooxda koowaad ee Real Madrid ay waqtigan haysato oo ah 28, waxa laga doonayaa in ay ka dhigto 25 ciyaartoy, taas oo macnaheedu yahay in ay ugu yaraan iibiyaan amaba amaah ku diraan saddex laacib, balse haddii uu Mbappe yimaaddo tirada ciyaartoyda baxaysa waxay noqon doonaan ugu yaraan afar.

Hore waxa loo hadal-hayay in ay bixi doono Vinicus, laakiin lama iibinayo maadaama uu Perez u arko mustaqbalka kooxda, taas beddelkeeda waxa albaabka laga furayaa Luka Jovic oo la qabsan waayey Real Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More