WARBIXIN: AFAR Shaxood Oo Kala Duwan Oo Ay Chelsea Ku Ciyaari Karto &

Kaddib saxeexii Romelu Lukaku, Chelsea ayaa noqotay koox meel walba ka dhamaystiran oo uu tababare Thomas Tuchel u habayn karo shaxo kala duwan.

Blues oo xilli ciyaareedkii hore ka liigaysay afka hore ee weerarka oo goolal yaraan kaga dhacday, waxay £97.5 milyan oo Gini kula soo wareegtay Lukaku oo hadda qabsanaya shaqadaas, waxa se uu culays saaran yahay Thomas Tuchel oo aan loo yeelan doonin wax dulqaad ah maadaama uu haysto koox dhamaystiran oo meel laga saluugo aan lahayn.

Khadka dhexe oo Chelsea ay haysato ciyaaryahannada ugu wanaagsan, sida N’Golo Kante, Jorginho, Kovacic iyo kuwo kale, waxa kasii dambeeya difaacyo dhexe oo is-dulsaaran oo midka maqnaada aan la dareemayn iyo labada dhinac ee difaaca oo ay ciyaaryahannadu is-dul buuxaan.

Kulanka Arsenal ee Axadda ayuu Romelu Lukaku safan doonaa sida uu ku sheegay waraysi uu bixiyey Isniintii, waxaana il gaar ah lagu hayn doonaa sida  uu ula qabsado kooxda bilowgaba iyo haddii uu sii amboqaadi karo goolashiisii xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka Talyaaniga.

28 jirkan ayaa soo dhaliyey 24 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore, waana tiro haddii ay ka hesho Chelsea ay hubaal tahay inay noqon doonto tartame dhab ah oo horyaalka u dagaallanta ku guuleysigiisa, iyadoo ay ugu dambaysay sannadkii 2017.

Blues wali may shaacinin lambarka uu xidhan doono Lukaku laakiin waxa u bannaanaaday No.9 markii uu Salaasadii maanta ka tegay kooxda weeraryahanka reer England ee Abraham oo ka degay AS Roma.

Thomas Tuchel oo 47 jir ah ayaa kooxdiisa ku ciyaarsiin kara afar shaxood oo kala duwan, isagoo horeba u qiray in uu kala dooranayo qaababka ku habboon Lukaku.

Tababaraha reer Germany ayaa waxa uu jecel yahay in uu ku ciyaaro shax 3-4-3 ah, waana shaxda uu intii ugu badnayd ku ciyaasiiyey Chelsea tan iyo markii uu yimid bishii January ee sannadkan oo uu shaqada ka beddelay Frank Lampard.

Laga bilaabo kulanka Arsenal ee Axadda, Chelsea waxay ku ciyaari kartaa afartan shaxood:

3-4-3

Mendy; Azpilicueta, Thiago Silva, Rudiger; James, Kante, Jorginho, Chilwell; Mount, Lukaku, Werner.

 

3-5-2

Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; James, Kante, Kovacic, Mount, Chilwell; Lukaku, Werner.

3-5-2 (3-4-1-2)

Mendy; Kounde, Thiago Silva, Rudiger; James, Kante, Jorginho, Chilwell; Mount; Lukaku, Werner.

4-3-3Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Chilwell; Kante, Jorginho, Mount; Havertz, Lukaku, Werner.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More