Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyada Yurub

Manchester United ayaa ku dhaw inay Real Madrid kula heshiiso saxeexa daafaca dhexe ee Raphael Varane, heshiiska ayaa 42 Milyan oo pound ku qabsoomaya. (Marca)

Taas bedelkeeda waxa macquul ah in Varane uu adeegsanayo xiisaha Man United si uu heshiis cusub oo qaali ah uga helo Real Madrid. (Mirror)

United ayaa sidoo kale doonaysa saxeexa daafaca Sevilla ee Jules Kounde kaddib marka ay dhammaysto saxeexa Varane. (Mail)

Manchester City ayaa rajaynaysa inay toddobaadkan horumar ka samayso doonisteeda Harry Kane oo Tottenham ka tirsan iyo Jack Grealish oo ay Aston Villa ka rabaan. (Sun)

Borussia Dortmund ayaa ku dhawaaqaysa saxeexa 22 sano jirka kooxda PSV iyo xulka Netherlands ee  Donyell Malen, waxay u arkaan Mallen bedelka tooska ah ee Jadon Sancho oo Man United kaga biiray (Fabrizio Romano on Twitter)

West Ham United ayaa u dhaqaaqi karta 27 sano jirka Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain haddiiba ay awoodi weydo inay West Bromwich kala soo wareegto xiddiga ree Brazil ee Matheus Pereira. (Express)

29 sano jirka Tottenham ee Erik Lamela ayaa ku dhaw inuu Sevilla si rasmi ah ugu biiro xilli ay Tottenham bedelkiisa helayso 20 sano jirka Bryan Gil iyadoo 25 Milyan oo euro raacinaysa Lamela. (Marca)

Newcastle United ayaa u jeedsan karta khadka dhexe ee Chelsea ee Ross Barkley haddii ay la saxeexan kari weydo Joe Willock oo Arsenal qayb ka ah. (The Athletic – subscription required)

Inter Milan ayaa ku adkaysanaysa in Romelu Lukaku uusan iib ahayn walow uu xiiso ka helayo Chelsea. (Mirror)

Manchester United ayaa tixgelinaysa inay weeraryahankeeda Anthony Martial u adeegsato heshiis ay Borussia Dortmund kaga doonaysa Erling Haaland. (Mundo Deportivo, via 90min)

United ayaa aaminsan inay khadka dhexe ee Saul Niguez oo Atletico Madrid ka tirsan heshiis 45 Milyan oo pound ah ku heli karto xilli 26 sano jirkaas hore loola xidhiidhinayay Barcelona iyo Juventus. (Mail)

Brighton & Hove Albion ayaa dalab 23 Milyan oo pound ah ka gudbinaysa weeraryahanka Celtic ee Odsonne Edouard. (Mail)

Juventus ayaa samaysay wakhti cusub oo ay wadahadalo kale la bilaabayso Sassuolo oo ay doonayaan inay kor u qaadaan heshiiska ay kaga doonayaan Manuel Locatelli oo sidoo kale Arsenal lala xidhiidhinayo. (Goal)

Paris St-Germain ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilka 30 sano jirka daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly oo ay isku diyaarinayaan inay u dhaqaaqaan. (Corriere dello Sport – in Italian)

Isco ayay Real Madrid heshiis cusub u bandhigi doontaa xilli qandaraaskiisii hore dhammaadka xilli ciyaareedka dambe dhacayo. (AS – in Spanish)

Leicester City  23 sano jirkeeda khadka dhexe ee Hamza Choudhury ayaa riixaya heshiis amaah ah oo uu Newcastle United ugu biiro karo, Hamza ayaa u arka fursad uu ciyaar joogto ah ku heli karo(Northern Echo)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More