WARAR SUGAN: Ibraahim baa hadlay

Weeraryahanka kooxda Chelsea Tammy Abraham ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ciyaaryahanka khadka dhexe Antonio Rudiger uu door muhiim ah ka ciyaaray bixitaankii Frank Lampard.

- Advertisement 1 -

Xiddigaha Chelsea ayaa tababar ku qaatay tababaraha cusub ee kooxda Thomas Tuchel 30 daqiiqo kadib markii uu si Rasmi ah ugu soo biiray kooxda xalay.

Tuchel ayaa badalay Frank Lampard, oo la ceyriyay ka dib markii uu badiyay kaliya labo ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.

Warar soo socda ka dib markii shaqada laga ceyriyay Lampard ee The Telegraph ayaa soo jeedinaya in Rudiger oo lala xiriirinayay inuu ka tagayo Lampard xilli ciyaareedkan inuu qeyb ka ahaa ceyrinta.

Laakiin Abraham oo ka mid ahaa kooxdii ugu horeysay ee Lampard ee Chelsea ayaa haatan beeniyay warar xan ah oo la isla dhexmarayay baraha bulshada.

Tammy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Waxaan maanta ka maqlayaa baraha bulshada waxyaabo waali ah oo ku saabsan Antonio Rudiger. Tani waa wax aan micno lahayn. Toni waa walaal weyn oo dhamaanteen ah.”

Kabtanka Blues Cesar Azpilicueta, oo la sheegay inuu dhowr jeer isku dhacay Rudiger ayaa sidoo kale soo dhigay sawir isaga iyo Rudiger ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka isagoo wata astaamo jacayl.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More