Wakiilka Mane oo shaaca ka qaaday sababtii uu uga tagay Liverpool

(Munich) 27 Juun 2022. Wakiilka Sadio Mane ee Bacary Cisse ayaa shaaca ka qaaday sababta uu ciyaaryahanka uga tagayo Liverpool.

Sadio Mane oo 30 jir ah ayaa si rasmi ah ugu biiray safka kooxda Bayern Munich, isaga oo kaga soo biiray Liverpool, adduun dhan 31.5 million kilos, kaddib markii uu 6 sano la qaatay Reds.

Haddaba wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu shaaciyay hadalada wakiilka Sadio Mane ee Bacary Cisse, uu kaga hadlay wararka xanta ah ee ku saabsan in bixitaanka Sadio ay sabab u tahay inuu Liverpool ka codsaday in sarre bathroom qaado mushaarkiisa kooxda.

Bacary Cisse  oo arrintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Kuwani waa warar been abuur ah, ma aanan dooneynin inaan ka hadalno iyaga.”

“Ciyaaryahan leh tayada Sadio oo kale ma heli karo mushaarka ay dadku ka hadlayaan. Tirooyinka la faafiyey gabi ahaanba waa khalad.”

“Sadio waxa uu horay u qaadan jiray lacag ka badan tan markii uu Liverpool kaga soo biiray Southampton, waxa uu u kordhiyey qandaraaskiisa Reds 2018, wuxuuna mushaarkiisa ka badnaa inta ay warbaahinta isla dhex marayaan.”

“Wax walba ayuu kula guuleystay Reds, waxaana la joogaa waqtigii loolan cusub ka raadin lahaa meel kale.”

“Mashruuca Bayern waxa uu ahaa mid soo jiidasho leh, marka loo fiiriyo kooxo badan oo kale oo waaweyn, kuwaas oo aanan xusin, sababta ay u doonayeen inay kula saxiixdaan Sadio.”

“Laakiin markii aan aragnay mashruuca Bayern Munich, waxaan nidhi (waa inaan aadnaa halkaas).”

“Tababaraha Bayern Julian Nagelsmann, iyo Hasan Salihamidžić, oo ah agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, ayaa si shakhsi ah ugu safray Liverpool.”

“Kulanku wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, wuxuuna ka dhacay guriga Mane, waxaana ka wada hadalnay heshiiska ciyaaryahanka ee Bayern Munich.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More