WAALIDAN AKHRISO: Hooyooyinka Dhalay Rabiot, Pogba Iyo Kylian Kylian

Sheeko layaableh ayaa laga hadal hayaa waddanka Faransiiska, waana qiso dhacday markii ay soo dhamaatay ciyaartii xulka qaranka France kaga hadhay tartanka Euro habeenkii Isniinta, waxaana rikoodheyaal ku reebay Switzerland.

- Advertisement -

Faransiiska ayaa ciyaartan ku hoggaaminayay 3-1 markii ay maraysay daqiiqaddii 80aad, hase yeeshee laba gool oo degdeg ah ayaa laga dhaliyey, waxaanu waqtigii caadiga ahaa ee ciyaartu kusoo dhamaaday 3-3. Rikoodheyaal ayaa la isla gaadhay, waxaana gool-ku-laadkii ugu dambeeyey Faransiiska khasaariyey Kylian Mbappe.

Inkasta oo uu bandhig wanaagsan sameeyey, Paul Pogba ayaa ciyaarta dhalleecayn badan loo jeediyey, sababtuna waxay ahayd in lagu eedaynayay inuu qayb ka ahaa goolkii barbarraha ee Swtizerland dhalisay oo aanu joogin booskii ku habboonaa.

Kaddib markii ay ciyaaartu soo dhamaatay, waxa uu dagaal dhex-maray hooyooyinka dhalay saddexda ciyaartoy ee Paul Pogba, Kylian Mbappe iyo Adrien Rabiot oo garoonka wada joogay.

Sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska ah ee RMC Sports, hooyada dhashay Rabiot oo lagu magacaabo Veronique oo sidoo kalena ah wakiilka ciyaartoygan (Rabiot) ayaa waxay hadallo cadho leh ku tuurtay hooyada dhashay Paul Pogba, iyadoo aflagaadaynaysa ciyaartoygan, sidoo kalena waxay weerartay Kylian Mbappe, iyadoo aabbihii oo goobta fadhiyey ay ku tidhi: “Waiilkaagan jaahilka ah ee isla weyn, dib usoo hagaaji.”

Apparently Rabiot’s mother and Pogba’s family got into a scuffle after the match last night, according to RMC. Rabiot’s mother also attacked Mbappe’s father saying he should make his son less arrogant. The drama #France #euro2020 https://t.co/VWEiDbVNTr

— David Gorman (@DavidGorman20) June 29, 2021

Halkaas ayay ka bilaabantay sheekadan waallida ah. Aabbaha dhalay Mbappe ayaa ka cadhooday hadalladan waxaanu si adag ugu jawaabay Veronique oo ay xataa isla gaadheen inay is-aflagaaddeeyaan. Sheekada ayaa sii kululaatay, waxaana soo gashay hooyada dhashay Kylian Mbappe oo lagu magacaabo Fayza Lamari, waxaana aflagaaddo iyo cay kaddib ay ku sigteen labada dumar ahi inay isu-gacan qaadaan. Wariyeyaal goobta ka agdhowaa ayaa la socday arrintan.

Isku-dhacan, aflagaaddada iyo muranka saddexdan qoys ayaa socotay muddo 20 daqiiqadood ah, waxaanay qaraabada Pogba iyo Mbappe la yaabeen hooyada Rabiot ee waxay doonto iskaga hadashay.

Arrintu intan kumay ekeenin, waxaana sheekada sii kululeeyey qoyska Pogba oo hooyadii ay aad u cadhaysnayd.

Ugu dambayntii ciidamada ammaanka ee garoonka joogay ayaa soo kala-dhexgalay, waxaanay qoyska Pogba u sheegeen in ay is-dejiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More