Waakan Saxeexa Koowaad Ee Uu Xavi Usii Qorshaystay Barcelona Isla

Halyeeyga kooxda Barcelona ahna macalinka haatan ee kooxda Al Sadd ee Xavi Hernandez ayaa la xusayaa inuu jiro ciyaaryahan uu bar-tilmaameed kasii dhigtay marka uu noqdo tababaraha cusub ee kooxdiisii hore.

Ciyaaryahanka bar-tilmaameedka usii ah Xavi ayaa lagu sheegay inuu yahay garabka weerar ee kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka France ee Kingsley Coman.

Barcelona ayaa dhawaan go’aansatay inay tababaraha kooxdeeda usii dayso xilli ciyaareed kale Ronald Koeman walow uu wakhti adag lasoo qaatay.

Barca ayaa booska saddexaad kaga dhammaysatay kala sarreynta La Liga iyada oo ka dambaysay Atletico Madrid iyo Real Madrid halka ay wareega 16-ka kaga hadhay Champions League.

Madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta ayaa sii aaminay Koeman walow ay jireen warar kooxda aad ula xidhiidhinayay Xavi.

Laakiin waxa ay u muuqataa in Xavi uu xilli horeba qorshayaal kasii leeyahay kooxdiisii hore, wargeyska ree Spain ee Sport ayaa xusaya in Xavi uu kooxdiisii hore tababare ka noqonayo wakhti uun.

Warbixinta Sport ayaa intaas ku daraysa in uu mid kamida saxeexyada ugu horreeya ee uu kooxda u samayn doono ka dhigtay Coman, Xavi ayaa doonaya inuu shaxda 4-3-3 ku ciyaarsiiyo Blaugrana mustaqbalka dhaw.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More