Waakan Muuqaalka Laga Duubay Lionel Messi Ee Caddaynta Kuugu

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa imika ku jira wakhtigii ugu adkaa ee waayihiisa ciyaareed ee cajiibka ah, xiddiga ree Argentina ayaa garoonka dhexdiisa ku dhibtooday xilli ciyaareedkan 2020-21 isaga oo kaliya hal gool oo ciyaar furan ah dhaliyay.

Qaab ciyaareedkiisan xun ayaa ah mid imanaya kaddib suuq xagaa oo uu si cadaan ah u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Barca.

Ugu dambayn Messi ayaa doortay inuu sii joogo kooxda uu qalbiga ka jecel yahay isaga oo diiday inuu dagaal dhinaca sharciga ah la galo oo uu maxkamad la tago.

Haatan waxa baraha bulshada si weyn ugu faafay muuqaal la soo jar-jaray oo muujinaya Lionel Messi iyo sida uu cidlada ba’an ugu dareemayo Barcelona.

Lionel ayaa u muuqda mid guuldarraystay gudaha muuqaalkan waxaana barta Twitter-ka dareenkooda ku cabiray jamaahiirta kooxdaas oo niyad-jabka la dareemaya.

Mid kamida taageerayaasha Barcelona ayaa muuqaalkan ka yidhi “Isagu sida cad wuu dhaawacan yahay, ma jiro qof taageeraya oo kooxda joogaa, garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba”

“Tani waa niyad-jab, waxa uu dareemayaa kalinimo iyo in lagaga tagay meel uu noloshiisa oo dhan kusoo tilmaamayay gurigiisa” ayuu yidhi mucaashaq kale oo Barca ahi.

Taageere saddexaad ayaa isaguna yidhi “Isagu maskax ahaan ayuu daalan yahay, waxa uu maray waxyaabo badan oo aanan garanayn sida uu wali kusii socon karo, 100% saamayn weyn ayay ku yeelatay qaab ciyaareedkiisa”

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

💔 pic.twitter.com/WWbdWY2IM7

— Culé (@MessiScored) November 23, 2020

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More