Waa Wakhtigiisii!! – Xiddiga Real Madrid Ka Tirsan Ee Masuuliyada

Daafaca dhexe ee ree Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Eder Militao ayaa ah mid uu yimid wakhtigii uu ku fikirayay kaddib ka bixitaanka kooxda ee kabtankeedii Sergio Ramos iyo Raphael Varane.

Real ayaa xaalad adag oo dhinaca daafaca ah galaysa maadaama oo ay hal suuq ka wada tageen labadeedii daafac dhexe ee ugu khibrada badnaa asaasigana u ahaa.

Dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii Los Blancos ay ku tashadeen inaysan labadeeda daafac dhexe ee dookha koowaad mar sii wada dayn balse laba bilood wax ka yar kaddib ayay dhacday.

Madrid ayaa ciyaar adag la ciyaartay Ramos isla markaana ku qasabtay inuu baxo walow uu isagu doonayay inuu heshiis cusub aqbalo, go’aankaas ayaa ka dhigan in PSG ay heshay guuleyste la hubo oo heerka ugu sarreeya isku soo caddeeyay.

Dhinaciisa Varane ayaa ka faa’idaystay fursada uu Premier League ugu wareegayo isaga oo heshiis 34 Milyan oo pound ah oo lagu daray gunnooyin shuruudo ku xidhan kaga degaya Old Trafford.

Saxeexa David Alaba oo kaga yimid Bayern Munich ayaa caawin doona Madrid, sidoo kale tababare Carlo Ancelotti ayaa u wacan kara Militao iyo Nacho oo labaduba maqnaanshihii Ramos ee xilli ciyaareedka dambe si weyn u caawiyay kooxda.

Iyadoo saxeexa daafac dhexe oo cusubi ay Los Blancos caawin karto haddana lama filayo inay samayso, Militao ayaa ah midka la saari doono masuuliyad rasmi ah isaga oo dabcan u qalma in la aamino kaddib bandhigyadiisii 2020-21.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More