Waa Maxay Sababta Ay Ciyaaryahanadda Serie A Sannad Walba

4

Sida ay sannad walba sameeyaan ciyaartoyda horyaalka Serie A ayaa rinji casaan ah marsada wajiga todobaadkan oo kale iyagoo qeyb ka ah ololaha looga soo horjeedo tacadiyada lagula kaco dumarka.

Si ay wacyigelin uga sameeyaan tacadiyada loo geysto dumarka ciyaartoyda horyaalka Talyaaniga ayaa rinji casaan ah ku calaamadeeyay wajigooda.

Ololahaan ayaa sidoo kale ah mid ay ciyaartoyda sawir la soo galayaan xaasaskooda iyo saaxiibadooda kuwaasoo iyagana faruuryaha soo caseystay.

Ololaha looga soo horjeedo tacadiyada ka dhanka dumarka ee horyaalka Serie A waxaa sannadkan hor boodaya Alessandro del Piero iyo Marco Matarazzi.

Hal ku dhiga ayaa ah in casaan loo taago tacadiyada loo geysto dumarka.

Kulamadii horyaalka Serie A ee xalay la dheelay Juventus ayaa 2-0 ku xaaqday Cagliari iyadoo labada goolba uu u saxiixay Cristiano Ronaldo.

Lazio ayaa iyagana 2-0 waxay kaga badiyeen kooxda Crotone iyadoo labada gool ay labadii qeyb ee ciyaarta ay u kala saxiixeen Ciro Immobile iyo Joaquin Correa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More