Waa Kuwan Labada Saxeex Ee Haddii Ay Man United Keento Ka Dhigi Kara

Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ee Louis Saha ayaa u sheegay tababaraha haatan hoggaanka u ah kooxdaas ee Ole Gunnar Solskjaer laba saxeex oo haddii ay suuqa xagaagan sameeyaan ka dhigi lahaa kuwo aan la joojin karin.

Labada saxeex ee uu Saha qabo inay Man United ka caawin lahaayeen inay u tartamaan Premier League iyo Champions League ayaa kala ah weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane iyo garabka weerer ee Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Waxa la filayaa in suuqa xagaagani uu mid mashquul badan ku noqon doono Manchester oo dhawr saxeex kusoo dari karta safkeeda balse imaatinka Sancho ayaa u muuqda mid ka macquulsan midka Kane.

Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah hore ula meel dhigtay Jadon Sancho iyaga oo hadda wada wadahadalo ay kula jiraan Dortmund.

Saxeexa Kane ayaa ah mid adag maadaama oo ay kooxdiisa Tottenham ka biyo diidan tahay inay iibiso, sidoo kale Manchester City ayaa isha ku haysa xaaladiisa.

Louis Saha ayaa isaga oo la hadlayay GamblingDeals.com yidhi “Waxaan filayaa in xogta Sancho ay wax yar ka duwan tahay halkaas oo uusan goolka naftiisa u doonayn (Ee uu caawinayo)”

“Ciyaaryahanadda kale ee aad xustay mararka qaarkood way ordaan mana laha awooda ay baas ku dhiibaan, tani waa waxa uu Sancho samaynayo”

“Haddii uu isagu (Sancho) weeraryahan sax ah kula midoobo safkan United, waxay noqon doonaan kuwo aan la joojin karin, United waxay haysataa Bruno Fernandes oo fursad samayn kara”

“Waxaan filayaa inay u baahan yihiin Harry Kane, waxay u baahan yihiin Martial iyo Rashford oo qaab ciyaareed fiican ku jira, Bruno Fernandes oo heerka ugu sarreeya ee ciyaartiisa ka ciyaaraya iyo Greenwood oo wali horumaraya, waxay u baahan yihiin dhammaan ciyaaryahanadaas si ay sidan uga fiicnaadaan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More