Waa Kuma Xiddiga Doorkii Kabtanimo Ee Real Madrid Ka Bedelay Raphael

Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa go’aansatay xiddiga ka bedelaya liiskeeda kabtanada daafaca ree France ee Raphael Varane kahor heshiiska rasmiga ah ee uu Manchester United ugu biirayo.

Heshiiska Varane oo Man United ayaa ah mid kaliya in la shaaciyaa ay ka hadhay, labada kooxood ayaa 34 Milyan oo pound isku af-gartay xilli wakhtiga uu tijaabada caafimaadka marayo loo qoondeeyay.

Varane ayaa mudo 10 sano ah kusoo qaatay Santiago Bernabeu waxaana uu mudadaas ka qayb noqday liiska kabtanada kooxda.

Sergio Ramos ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahaa kabtanka koowaad ee Los Blancos balse kaddib heshiiskii uu ugu wareegay Paris Saint-Germain ayuu masuuliyadaas ka dhaxlay xiddiga ree Brazil ee Marcelo Vieira.

Karim Benzema ayaa ah kabtanka labaad ee Real Madrid halka daafaca mudada dheer kooxda soo joogay ee Nacho Fernandez uu yahay kabtanka saddexaad.

Haddaba doorkii Raphael Varane oo ahaa kabtanka afraad ayaa banaanaaday waxaana dhaxlaya sida uu wargeyska Mundo Deportivo sheegayo kabtanka xulka Croatia ee Luka Modric.

Modric ayaa haatan mudo sagaal sano ah soo joogay Real Madrid waxaana uu xubin weyn ka yahay qolka labiska kooxda sidaas darteed maaha wax layaab leh in lagu arko liiska kabtanada kooxda,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More