Waa Kuma Xiddiga Ay Liverpool Ogolaatay Inay Bixiso Lacagta

0

Waxa aynu kusii dhawaanaynaa bilawga xilli ciyaareedka cusub, jamaahiirta Liverpool ayaa rajaynaya ugu yaraan hal ama laba saxeex oo kale kahor kulanka Norwich City ay la balansan yihiin 14-ka bisha August.

Liverpool ayaa haatan markale si xoogan loola xidhiidhinayaa khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid kaddib markii uu bur-buray heshiiskii uu Barcelona ugu wareegayay.

Xiddiga Spanish-ka ah ayaa u muuqda bedelka ugu haboon ee ay Liverpool u heli karto Georginio Wijnaldum waxaana hubaal ah inuu boosas badan oo kala duwan Klopp uga ciyaari kari lahaa.

Iyadoo sidoo kale la filayo in Manchester United iyo Chelsea ay xiiso u qabaan 26 sano jirkaas ayay Reds tartan adag kula kulmi doontaa la wareegistiisa.

Laakiin sida lagu qoray warsidaha ree Spain ee Diario AS, Liverpool ayaa go’aansatay bixinta lacagta 41-ka Milyan ee pound ah ee lagu heli karo Saul Niguez.

Inuu heshiiska shaqsiga ah la gaadho ayaan hubaal wax adag noqon doonin haddiba ay Reds dalab macquul ah ka gudbiyaan, Saul ayaa hore loogu xasuustaa inuu amaanay liverpool.

Barcelona ayaa hore u doonaysay saxeexa Saul iyaga oo rabay inay Antoine Griezmann kaga soo bedeshaan Atletico Madrid balse heshiiskaas oo mar meel fiican marayay ayaa u muuqda mid hadda dhicisoobay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More